SOOMAALIYA: Doqoni qufacday meel laga raacayna ma oga!!

0

(Hadalsame) 06 Feb 2019 – Soomaaliya madaxa iyo majahaa ayaa leysugu xiray sida muuqata waayoo waa dal dhan oo Sharciyadiisii iyo shaqooyinkiisii la soo hormariyay shaqooyinkii,aan hadaba inyar ka iraahdo meelaha leynaka raacay.

Tusaale:- Meel fogba yaanan idinla aadine, Madaxdii dowlada iyo Maxkamadihiii destuuriga ahaa ee dalka oo hadii la isqabto lagu kala bixi kahaa waxaa la soo hornariyay Madaxdii Dowlada narkaasaa 15 sano waxaa lala’yahay wax Garsoor ah oo lagu kala saaro ama u kala gar qaada hadeey isku dhacaan, waa la ogaa waxa naga soo qabsaday welina naga heysta Madaxweyne & RW is heysta, RW & Gud/Baarlamaan oo is hirtinaya, Ciddii la rabo oo lagu tunto, Adigu xaalkeenu waxa uu iska noqday xaniinyahaaga fuul.

Tusaale:- Soomaaliya 2012-kii waxaa layiri Dowlada waa laga saaray KMG-kii xili aysan gacanta ku heyn Gobolo badan oo dalka ah, siyaasadda aan laga wada heshiin, Ciidan Qaran uusan noo dhisneyn, Dastuurkii qabyo yahay. Cunaqabateyn dhaqaale,Siyaasadeed,iyo mid Hub na saaran tahay,Wax maamul ah uusan noo dhisneyn, oo dowlada tabarteedu Muqdisho ku egtahay, ilaa maanta waxa culeys naga heysta meel walba marqaati baad ka tihiin.

Tusaale:- Maamul Goboleedyada iyadoo aan loo sameyn Sharciyadii ay ku shaqeyn lahaayeen ayaa waxaa leyska magacaabay Meel walba Maamulo, markii la dhisay ka dib ayey geesaha fiirfiiriyeen mise wax sharciya oo ay dowlada dhexe kula shaqeeyaan iyo mid eey iyagu iskula shaqeeyaan midna ma heystaan. Bal caqli xumadaas ka warama,oo ila arka mushkilada ka dhalatay oo ilaa maanta taagan.

Tusaale kale:- Hey’adda NISA iyadoo aan wax sharciya loo sameyn oo baarlamaanku meel marin ayaa la iska dhisay waxaa lagu qasaariyay Malaayiin Dollar waxey qabteen shaqooyin badan oo dalka muhiim u ah, iyaguna waxey geysteen boqolaal dambi ama xadgudub ah Oo aan meel loo raacdo laheyn, hadana mudo kadib waxaa la burburiyay iyadoo aan cidna lagala tashan qorshe sal mugii looga fikiray oo lagu jiheeyana uusan jirin markaasaa qaarba ciidan kaloo dhisnaa la dul dhoobay..

Tusaale:- Golahaan Aqalka Sare oo hada labaxay Baarlamaanka Aqalka Sare oo ah eray bixin aan sax aheyn, Soomaaliya macno loogu dhisay lama yaqaan, hase yeeshee markii la dhisay kadib ayey qodobo xarxariiqdeen iyagoo cuskinaya qodobo kaloo qiyaano ah oo destuurka horey Ajaanibtu u sii gashatay, markaasaad maalin kasta arkeysaa Howlo aan bilowgooda cidi kala tashan iyagoo dabada heysta wax yac oran karana majiro

Hadda waxaa la leeyahay heshiis shidaal baa shirkado dalal kale lala soo galayaa, hadana weli lama sameyn sharciyadii dalkeena ee shidaalka ama kheyraadka, lama sameyn sharciyadii lagu wada wadaagi lahaa kheyraadka dalka, lama dhisin hey’adihii madaxa banaanaa ee maamuli lahaa kheyraadka dalka. Maxaa yaab isdabayaal.!!

Ugudanbeyn, Anigu Wlhy mid shidaal iyo mid Badeed oo maanta dalalkale lagula soo heshiiyo inaanan marna taageereyn waayoo baahideyda koowaad waan aqaan waana AMNI & MIDNIMO, sidoo kale dhaliisha heshiiska shidaalka iyo dhibataada ka imaan karta maanta Soomaalida oo dhan baa isha ku wada heysa oo ku baraarugsan, si taas la mid ah Mucaaradka dowlada ayaa iyaguna si dhow ula socda oo howshooda qabsanaya.

Sidaa daraadeed marba hadaad Baarlamaankii Soomaaliya ka soo hormarteen waxey aheyd inaad dhaliil waxgarad iyo mid odaynimo oo sixitaan ah la gole timaadaan lkn hada Luqada warqadaan lagu qoray waa tii laga filayay mucaaradka dowlada ee ma aha midii Golaha Aqalka Sare oo la macno ah Golaha Odayaasha Soomaaliyeed, (MARJACA SOOMAALIDA) Marka Anigu waxaan arkaa dal aan la iska dhacsaneyn oo hey’ad waliba waxey rabto sameyneyso ee noo tuma sacabka Anaguna aan dhaanteynee ileyn wax naga qaldan iyo meel nalaka raacayba ma naqaane.!!

WAXAAD MAANTA BI’ISAAN, BERRI HA U SHALAAYINA.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media