WAR CUSUB: Ruushka oo kordhinaya tiirada gantaalka qabtaha ah ee S-400 (Imisa ayaa la gaarsiiyay?)

0

(Moscow) 03 Luulyo 2018 – Millaterriga Ruushka ayaa bilaabay qorshe lagu dheereeynayo tiirada gantaalka qabtaha ee difaaca cirka ee S-400, kaasoo diyaar noqon doona isla dabayaaqada Agoostada soo aaddan.

Waxaa haatan la sheegayaa inay socdaan tijaabooyinka gantaalaha cusub ee gaari kara masaafooyin dhaadheer, sida ay werinayso wakaaladda wararka ee TASS, sharikadda qalabkan farsamaysa ee Almaz-Antey, ayaa waloow ay ka gaabsatay misna ku guda jirta inay hannaanka S-400 u yeesho awood uu ku gani karo 40N6E oo ah gantaal dhul-ka-cir ah oo gaari kara masaafo ka fog 400 oo km.

”Maraykanka aan ku daalney waxaa noo dhaama Ruushka” – Erdoğan oo ku hanjabey inuu adeegsan doono gantaalha S-400 haddii loo baahdo!AKHRI IN KALE: ‘Will use if needed’: Erdogan says Turkey didn’t buy S-400 from Russia ‘to keep them in store’

Waxaa jira warar is khilaafsan oo dood ka keenaya inuu gantaalkani gaari karo joog sare oo dhanka hawada ah, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan inuu wax ka dili karo ilaa 185 km oo dhanka hawada ah, halka qaar kale ay sheegayaan in loo naqshadeeyay 30 km oo qura, lkn laguma muransana jooga hoose.

Ruushka ayaa ku jiray casriyaynta noocii hore ee S-300 tan iyo 2007, iyadoo sidoo kale nooca aan la dheerayn ee S-400 uu gaari karo 250 km.

Hadalsame Media