DHEGEYSO: Jabuuti oo hub Xuutiyiinta u socdey ka iibisey dowladda Somalia & qaybta 2-aad ee askartii Jigjiga lagu laayay 78-kii

0

(Muqdisho) 03 Juun 2018 – Muran ayaa ka dhashay hub ay dawladda Soomaaliya 22-kii bishii aynu soo dhafanay kasoo dejisay garoonka diyaaraha ee Muqdisho. Hubkan ayaa ka kooban qoryaha AK47 oo la ii sheegay inay gaadhayaan 300 qori iyo bastoolado iyaguna gaadhaya 300, rasaas iyo qalab kale oo milatari.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.

Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in hubkan keenistiisa aan lagu wargelin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida uu dhigayo qaraarka cunqabataynta Soomaaliya.

Waxaa kale oo su’aali ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.

VOA waxay la xidhiidhay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti, wasaaradda amniga ee Soomaaliya, madaxa nabadsugidda gobolka Banaadir iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaantood ay ii suurtogeli weyday inaan ku qanciyo inay ka hadlaan arrintan.

Qaybta dambe ee barnaamijkan waxay ku saabsan tahay waraysiyo aan la yeelanay qaar ka mid ah askartii joogtay Jigjiga xilliga uu ddhacay dilkii ugu weynaa ee loo gaysto askar Soomaaliyeed sannadkii 1978.

Warbixintan waxaa diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA.

Hadalsame Media