”Maraykanka aan ku daalney waxaa noo dhaama Ruushka” – Erdoğan oo ku hanjabey inuu adeegsan doono gantaalha S-400 haddii loo baahdo!

0

(Ankara) 12 Juun 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in Ankara ay adeegsan doonto hannaanka daafaca gantaalaha Ruush sameega ah ee casriga ah ee S-400 kaasoo ay kusoo iibsanayaan heshiis ay sanadkii tegey la galeen Ruushka.

“Inta soo iibsanno S-400s bakhaar dhigi mayno. Waan isticmaali doonnaa haddii loo baahdo, waa hub difaac, maxaannu ku samaynaynaa hadaynaan isticmaalin. Ma Maraykan baan ku tiirsanaan karnaa? Sanaddo badan baan dalbanaynay, balse jawaabta nala siiyay waxay noqotay koongareysku ma ogola. Taas waannu ku daalney,” ayuu yiri Erdoğan oo warkiisa toos looga daawanayay hilinka Turkish-ka ku hadla ee TGRT Haber.


Madaxwaynaha Turkiga ayaa daba dhigay, “Ruushku si qurux badan buu dalabkeennii uga jawaabey. Waxay xitaa noo sheegeen inay ogol yihiin inaannu soo wada saarno gantaalahan, dhanka amaahda xitaa waxay noo ogolaadeen tibxo qurux badan.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media