Chelsea & AC Milan oo isku bedelanaya Morata iyo Donnarumma.

0

(London) 12 Juun 2018 – Labada kooxood ee AC Milan iyo Chelsea ayaa ka wada xaajoonaya inay isku bedeshaan labada laacib ee Alvaro Morata iyo Gianluigi Donnarumma.

Donnarumma, 19, ayaa loo arkaa mid ka mid goolwalayaasha ugu wanaagsan caalamka, iyadoo ay Chelsea goolwale cusub u baahan karto, maaddaama aysan u badnayn inuu sanadka soo socda wixii ka badan qandaraas kale u saxiixo Thibaut Courtois.

Morata ayaa isna kasoo bixin filashadii kooxda Blues oo kasoo bixisay £70m xagaagii tegey, waxayna diyaar u tahay inay dhan kale eegto, iyadoo sida uu qorayo Corriere dello Sport, ay suuragal tahay inuu dib ugu noqdo Talyaaniga, iyadoo ay AC Milan tahay kooxda ku habboon maaddaama aysan haysanin 9 la mid ah.

Hadalsame Media