”Idinka akhrisan mayno casharro munaafaqnimo ah” – Talyaaniga oo furka ku xooray Faransiiska

0

(Roma) 12 Juun 2018 – Wasiirka Socdkaalka Talyaaniga ayaa sheegay in aysan “casharro munaafaqnimo ah” ka akhrisanaynin Faransiiska, kaddib markii lagu dooday halka ay ku degayaan 629 qofood oo qaxooti Afrikaan ah oo ay iska diidey dowladda waddaniga ah ee Roma.


“Hadalka khuseeynaya (Markabka bini’aadminimo) ee Aquarius ee ka yimi Faransiiska…Talyaanigu aqbali maayo cashar munaafaqnimo oo ay bixinayaan dalal aan waxba u qabanin qaxootiga,” ayuu u dhignaa war kasoo baxay dowladda cusub ee midigta ah ee dalkaasi.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka jawaabaysay hadal uu sheegay madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron oo “qayru mas’uulnimo” ku tilmaamay qaabka ay Talyaanigu u maareeyeen xasaraddan. “Dowladda Talyaanigu marna ma dayicin 700 ku dhowaad saarrayd Aquarius,” ayay raaciyeen.


Muhaajiriinta oo uu badbaadiyay markabka Aquarius, oo uu maamulo NGO Faransiis ah oo la yiraahdo SOS Mediterranee, ayaa 30 saacadood wareegayay isagoo ku dhex wareeray Malta iyo Talyaaniga oo ku murmay ciddii uu kusoo horreeyay, waxaase markii dambe aqbalay dalka Spain oo ka dejiyay Valencia.

Macron ayaa Jimcaha lagu wadaa inuu qaabilo Raysal Wasaaraha cusub ee Talyaaniga ee Giuseppe Conte kahor kulanka Golaha Yurub oo dabayaaqada bishan ajendaha koowaad ka dhigan doona socdaalka iyo soo galootiga, oo keenay inay Yurub ku dhufato dabayl soo galooti nacay ihi.

“Waan ku faraxsan ahay inay (France) mas’uuliyad lasoo bexeen. Ha fureen dekedohooda si aan dadka aan hayno qaar ugu soo dirno,” ayuu yiri Raysal Wasaare xigeen Luigi Di Maio.

(Isha: AFP)

Hadalsame Media