Xaalka Bajaajleyda wuxuu noqday ‘Wixii xunba Xaawaa Leh’ (Baaris + Warbixin xiiso badan)

0

(Muqdisho) 03 Luulyo 2018 – Waxaa sii kordhaya tacadiyada loo gaysto darawalada gaadiidka dadwayneha ee loo yaqaano Moota Bajaajta ee ka shaqeeya Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho. Waxaa jira dhawr shil oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro ku shaqeysaneysay Bajaajta, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, iyadoo inta badan tacadiyada nuucaas ah la sheegay inay gaystaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hase ahaatee Warsidaha Hadalsame ayaa u kuur galay islamarkaana baaris qota dheer ku sameeyey sida ay ku dhacaan kiisaaskani oo xasaasiyad iyo hadal-heyn badan ka abuuray warbaahinta caadiga ah iyo tan arrimaha bulshada.

Marka laga tago Siyaasiinta mucaaradka ah oo si indha la’aan kaga faa’iideysanaya wax walba oo ay ku gaari karaan ajandayaashooda siyaasadeed ee ay kaga soo horjeedaan xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, markaas oo ay dhabarka u saaraan wixii xun oo dhaca, arrintooduna ay noqotay “Wixii xunba Xaawaa Leh” Waxaa haddaba dhinaca kalena aan la inkiri Karin in falalkaan soo noq-noqday loo baahan yahay in dowladdu baaris dheer ku sameyso islamarkaana xal rasmi ah loo helo

                                  Yaa askari ah?

Marka aad joogto Magaaladda Muqdisho qof walba oo xiran dareyska tuutaha xitaa haddii uu yahay burcad iska caadi ah waxaa aragtiga guud ee shacabka ay tahay in ruuxaasi yahay askari dowladeed, iyadoo aan loo fiirin si kale iskaba daa in si miyir leh loo hubsadee.

Taasi waxay keentay in qof walba oo raba inuu wax sameeyo ama uu galo fal danbiyeed isku ekaysiiyo askarta dowladda, taasoo xitaana  ay adeegsadaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya sida Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxaa jira Maleeshiyooyin aan cidna u xisaabsaneyn oo u abaabulan qaab qabiil/burcad kuwaas oo ay u sahlan tahay inay ku hawlgalaan astaanta iyo dareyska ciidamada dowladda waxay doonana ku sameeyaan, sida inay dhigtaan Isbaarooyin ama ayba hor-istaagaan guryaha shacabka ee la dhisayo iyagoona weydiista lacago baad ah, waxayna iska dhigaan inay yihiin ciidamo dowladeed oo ka socda waaxda canshuurta dowladda Hoose ee Xamar.

Waxaa iyana jirta inay jiraan shirkado ajaanib ah oo shaqaaleeyey Maleeshiyaad Soomaaliyeed oo aad u fara badan inkastoo ay xadidan tahay dhibaatooyinka bulshada ay ku hayaan marka loo fiiriyo kuwa wax ku dhibaateeya tuutaha dowladda.

    Ciidamada Xasilinta Caasimadda

Xukuumadda Soomaaliya ayaa xooga saartay in la maareeyo amaanka guud ee caasimada iyadoona la dhisay ciidamo tiro ahaan gaaraya 1,500 (Kun iyo Shan boqol oo askari) kuwaas oo laga kala soo xulay qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, milatariga, Nabad-suggida iyo Booliska.

Ciidamada Xasilinta ayaa wax badan ka bedelay muuqaalka amniga caasimadda waxayna ku guuleysteen inay la socdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxaha hubeysan ee dowladda ka soo horjeeda iyagoona dhinaca kale dhibaatooyin iyo isku dhacyo hubeysan kala kulma maleeshiyooyin hubeysan iyo qaar ka mid ah ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan xiliyada ay sameynayaan dhaq-dhaqaaqyo amni.

Ciidamada Xasilinta waxay baro kontarool ku leeyihiin dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo ay ku jiraan isgoysyadda muhiimka ah.

Sumcadoodu aad ayey u fiican tahay marka laga eego la dhaqankooda bulshada inkastoo mararka qaar kood lagu eedeeyo inay adeegsadaan awoodo xad-dhaaf ah.

Siyaasiinta Mucaaradka ah oo qaar kood iyagu ah xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxay si cad u siyaasadeeyaan hawlgalada amni-sugida ah ee ciidamada xasilintu ka wadaan Magaaladda iyagoona falkii dhacaba dusha kaga tuura, kuna eedeeya, sheegana in xukuumaddu guul-dareysatay ( Wixii xunba Xaawaa Leh)

       Shirkadaha Iibiya bajaajta!

Gaadiidka Bajaajta oo wax badan ka bedelay muuqaalka ganacsi ee caasimadda ayaa waxaa keena ugu yaraan sadex illaa shan shirkadood oo ganacsi oo kala madaxbanaan waxayna si habqan ah ugu daadiyeen Magaaladda mana jirto cid kontoorasha shirkadahaas, si markaa miisaan sax loogu helo inta Bajaaj ee Magaaladdu qaado ama ugu yaraan in la xadido tiradooda si looga fogaado cariir xad ka bax ah.

Wadooyinka caasimadda waxaa ka jira duruufo waxayna ciidamada amnigu xireen inta badan jidadka xaafadaha dhexdooda waxaana qasab ah in gaadiidku maraan waddooyinka laamiga ah si ay u sahlanaato in la baaro.

Taasi waxay ka dambeeysay markii ururka Al-Shabaab ka gaysteen Magaaladda dhawr weerar oo loo adeegsaday gaadiid lagu horgooyey gaadiid kale kadibna ay kooxahaasi u sahlanaatay inay baxsadaan iyagoo isticmaalayey jid-cadayaal ama dariiqyada xaafadaha dhexdooda.

Dhalinyarada Bajaajleydu qeyb ma ka yihiin tacadiyada?

Warsidaha Hadalsame intii uu ku jiray Baaristiisa waxaa uu ogaaday in gaadiidka Bajaajta u abuuray shaqo 85% dhalinyarada Caasimadda, hase ahaatee waxaa murugo iyo welwel ku noqday dhalinyaradaasi dhacdooyinka naxdinta badan ee ku soo noq-noqday sida dilalka aan loo meel dayin.

Laakin waxaa xiiso leh in Bajaajleydu qeyb lixaad leh ka qaataan in tacadiyadaasi dhacaan, waxaana 45% haddiiba aysan ka badneyn dhalinyarada ku shaqeya gaadiidkaan adeegsadaan Xeelado ama farsamooyin u eg tuugaaleysi.

45% dhalinyarada iyo dadka ku shaqeeya Bajaajta ma sitaan warqado canshuur oo sharci ah mana bixiyaan canshuurta bilaha ah waxaana haddii askartu qabato ay bixiyaan inta u dhaxeysa 2 illaa 3 doolar oo laaluush ah hadiiba laga ogalaado, kuwa kalena waxaa lagu qasbaa inay xaafiiska dowladda hoose aadaan ama inta la qasbo ayaa xoog lagu wadaa.

Kuwa nuucaas ah waxay u badan tahay in sanadkii oo dhan ay sidaas luuq-marowga iyo sharci ka cararka ku shaqeystaan waana ku faraxsan yihiin dhib iyo dheefba.

“Meeqa jeer ayaan sigtay oo anoo rakaab sida ku dhici gaarey meel ay joogaan askarta dowladda gaar ahaan qolooyinka canshuuraha qaada oo aan u ganbiyey,” waxaa sidaasi u sheegay Hadalsame Media mid ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta oo magaciisa aan u qarinay sababo amni.

“Waxaan haddaba shaki ku jirin in tacadiyada muuqda iyo kuwa qarsanba ee nagu dhacaya ay ficiladeenu qeyb ka yihiin,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale dhalinyaradu aysan wax badan ka qoon sharciyada marista wadooyinka iyo la dhaqanka ciidamada, marar badana ay dhacdo muran u dhaxeeya askarta iyo Bajaajleyda oo sabab u noqda dhimasho ama dhaawac.

           Maxaa xal ah?

Dowladda Soomaaliya waxaa laga doonayaan inaysan ka sii aamusnaan dhibaatadaan sameynteedu muuqato waana in la helaa nidaam hufan oo ku saabsan Bajaajta, lana dejiyaa xeerar la xariira isticmaalkeeda iyo in sidoo kale wacyigalin balaaran oo loo sameeyo askarta iyo waliba dadka ku shaqeysta gaadiidka Bajaajta.

Waxaa sidoo kale ahmiyad gaar ah leh in la helo dallad ama hay’add madaxbanaan oo ay dhistaan Bajaajleydu taas oo qeyb ka noqon karta in la hagaajiyo nidaamka shaqada/ sharciyadda Bajaajta oo aysan sii socon in 45% bajaajleydu ku shaqeyn qaab Suuq Madow.

Waxaa sidoo kale lagama maar maan ah in wacgalin balaaran loo sameeyo ciidamada amniga kuwaas oo laga doonayo inay ogaadaan inay jiraan kooxo badan oo magacooda wax ku dilaya lagana yaabo in qaar kood iyaga ku dhex jiraan.

Hadalsame Media

Facebook Comments