Afghanistan oo badeeco naadir ah oo dunida muhim ka ah u dhoofisey dalka Maraykanka (Daawo)

0

(Kabul) 09 Dis 2023 – Dalka Afghanistan ayaa bilaabay samaynta iyo dhoofinta badeeco muhim ah oo uu ka mid yahay meelaha dhifka ah ee sida wayn looga heli karo.

Waa miraha Rumaanka oo laga wada heli karo dhammaanba 33 gobol ee dalkaasi, waxaase ugu sarreeya Kandahaar, iyagoo guud ahaan sanadkii soo saara 60,000 oo tan oo miraha Rumaanka ah, sida ay sheegtay Hay’adda USAID ee Maraykanka.

Cabitaanka laga miiro Rumaanka ayaa suuqa caalamiga ah ka jooga 4 Doollar liiitarkii. Shirkadda Pamercola ee dalka Afghanistan ayaa markii ugu horreeysey cabitaankan gasacadaysan u dhoofisey dalka Maraykanka, kuwaasoo gaarayey ilaa 45 tan.

Afghanistan ayaa sidoo kale cabitaannadan u dira dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Qadar, Kazakhstan, Jarmanka, Iran iyo dalal kale.

Caadiyan dalalka ugu badan ee beera Rumaanku waxay u badan yihiin Muslim waana dalalka; Afghanistan, Iran, Turkiye iyo Ciraaq, balse Afghanistan ayaa ah dalka laga helo midka ugu macaan dunida isagoo beera ilaa 48 nooc oo Rumaan ah cimilada iyo jawiga uu u baahan yahay oo dalkan laga helo darteed.

Waxaa sidoo kale muddo sanado badan ah kaddib loo diray dalka Ruushka, iyadoo ay Maamulka Daalibaan ee dalkaa ka taliyaa ay isku deyayaan inay eegaan sawirka wayn oo ay xiriir wanaagsan la yeeshaan dunida.

MAXAY U ROON YIHIIN MIRAHA RUMAANKU? Waxaa ka mid ah dhiig-yarida, wadnaha waayo dhiigga ayay nadiifiyaan, kelyaha, difaaca jirta maadaama uu ku badan yahay fitamiin C, tinta dhacaysa ayay u fiican yihiin waayo waxaa ku jira Fitamiin B iwm.

Hadalsame Media