Ruushka oo la yimid qorshe uu dagaalka Ukraine ku gelin karo dad ay Soomaali ka mid tahay

0

(Moscow) 09 Dis 2023 – Ruushka ayaa isku dayaya in uu dagaalka uu kula jiro Ukraine u shaqaaleysiiyo muhaajiriin ajaanib ah, kuwaas oo lagu soo xiray hawgal dhawaan ka dhacay xadka uu la wadaago Finland.

BBC-da ayaa aragtay kiisas dhowr ah oo ajaanib loola cararay xero milatari oo ku taal xadka Ukraine, maalmo kadib markii lagu soo eedeeyay inay jabiyeen sharciga socdaalka.

Saraakiisha Ruushka ee xeryaha lagu hayo dadka tahriibeyaasha ah ayaa ku qalqaalinaya dadkaas inay saxiixaan qandaraasyo ay qeyb uga noqonayaan ciidamada Ruushka ee ka dagaalamayo Ukraine, si ay uga badbaadaan masaafurin.

Arrinka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordheyso tirada dadka ajaanibta ah ee tahriibaya ee ku sugan xadka uu Ruushka la wadaago Ukraine.

Finland ayaa si ku meel gaar ah u xirtay dhammaan siddeedii ka mid ahaa xuduudaha Ruushka, iyadoo ku eedeysay Moscow inay soo marsiisay muhaajiriinta iyo magangelyo-doonka halkaas taasoo qayb ka ah ololaha xasillooni darrada kadib markii xukuumadda Helsinki ay ku biirtay Nato horaantii sanadkan.

Falanqaynta dhageysiyada maxkamadaha ee Karelia, oo ka mid ah saddexda gobol ee Ruushka ee xuduudka la leh Finland, ayaa muujisay in saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, ay 236 qof lagu xiray Ruushka iyaga oo aan haysan dal ku gal ah sax ah. Dadkaas ayaa la doonayay in la tarxiilo.

Dadka la horkeenay maxkamada Karelia waxaa ka mid ah nin Soomaali ah oo 40-jir ah, kaas oo la xiray bartamihii bishii November, waxaana lagu xukumay ganaax dhan 2,000 oo ah lacagta Rubles oo u dhiganta 20 doolar iyo in la sii hayo inta musaafurinta la sugayo oo ah nidaamka caadiga ah ee uu maro qof kasta oo si sax ahaynd waddanka ku soo gala.

Cawad iyo ugu yaraan toban maxbuus oo kale oo lagu hayo xaruntii hore ee masaafurinta ee Petrozavodsk, ee caasimadda Karelia, ayaa waxaa lala soo xiriiray wakiilo ka socda militariga wax yar ka dib markii la xiray waxaana loo soo bandhigay “shaqo “. Waxaa loo ballan qaaday mushaar wanaagsan, daryeel caafimaad iyo ogolaansho ay ku joogaan Ruushka marka ay dhameystaan qandaraas ciidan oo hal sano ah.

Cawad ma ahan magaciisa saxda ah, balse BBC ayaa xaqiijisay in uu ka mid yahay dadka halkaas lagu xiray.

Ruushka ayaa isku dayaya in uu dagaalka uu kula jiro Ukraine u shaqaaleysiiyo muhaajiriin ajaanib ah,

XIGASHADA SAWIRKA,GOVERNOR OF MURMANSK/TELEGRAM

Waxa uu soo gaaray dalka Ruushka bartamihii bishii July waxaanu aaday dalka ay jaarka yihiin ee Belarus, isaga oo isku dayay in uu galo Poland.

Soo galooti aan hore loo arag ayaa ka bilaabmay in ay soo gaaraan xadka Finland oo ay codsadaan sharci qaxootinimo.

Maamulka Finland ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu dhiirigelinayo qulqulka muhaajiriinta ku socda dalkooda.

Cawad ayaa BBC u sheegay in 14-kii November uu kireystay Taksi, isaga iyo Muhaajir kale oo Soomaali ah, markaas oo laga soo kaxeeyay St Petersburg, kuna sii jeeday Lakhdenpokhya, oo ah magaalo ku taal Karelia oo 30km u jirta xuduudka Finland.

Xadka ay Finland la wadaagto Ruushka

Dal-ku-galkiisii bisha ahaa waxa uu dhammaaday bishii Agoosto waxaana la xiray ka dib markii taksigii uu saarnaa ay booliisku joojiyeen si ay u hubiyaan. Cawad iyo dhowr iyo toban qof oo kale ayaa maalintii xigtay la xukumay, waxaana loo wareejiyay xabsiga.

Kooxaha u dooda xuquuqda bini’aadanka ayaa sheegay in dadka ajaanibka ah ee Ruushka u isticmaala marinka safarka ay ku tagayaan wadamada reer galbeedka ay si joogta ah u dhaafaan muuddada fiisahooda mudada gaaban iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan xuduudaha wadamada Midowga Yurub.

Haddaba markii booliisku ay billaabeen inay qabtaan kuwa aan haysan fiisaha Ruushka ee saxda ah bartamihii bishii Nofeembar, waxaa loo arkay inay tahay isbeddel ku yimid habkii Ruushka ee soogalootiga ee soohdinta Finland.

Dukumeentiyada shaqo ee ay mas’uuliyiinta u soo bandhigeen ninka Soomaaliga iyo kuwa kale waxayna u malaynayeen in la siin doono shaqo la xiriirta ciidanka gudaha Ruushka, ayuu yiri.

“Nalama siin dukumeentiyadii qandaraaska, xitaa si sax ah noo lama tusin, waxaan weydiinay [shaqooyinka maxay noqon doonaan] laakiin waxay noo sheegeen inay tahay shaqo fudud oo ay wanaagsan tahay,” ayuu u sheegay BBC.

Isagoo ka baqaya in loo masaafuriyo Soomaaliya oo uu sheegay in dhowr jeer ay naftiisu halis gelisay Xarakada Al-shabaab, ayuu saxiixay dalabkaas, isagoo la socda shan qof oo kale oo Soomaali ah, shan nin oo u dhashay dalalka Carabta iyo nin u dhashay Cuba. Waxaa la saaray bas, waxaana loo kaxeeyay dhanka koonfureed.

BBC-da ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ee Ruushka ee Karelia waydiisay xog ku saabsan tirada maxaabiista kale ee laga sii daayay xarumihii lagu hayay, balse ilaa hadda wax jawaab ah lagama hayo.

Waxaan sidoo kale xaqiijinay aqoonsiga nin kale oo kooxda ka tirsan, kaasoo magaciisa uu ku jiro diiwaanka maxkamadda ee Karelia.

Isagoo ka baqaya in loo masaafuriyo Soomaaliya oo uu sheegay in dhowr jeer ay naftiisu halis gelisay Xarakada Al-shabaab, ayuu saxiixay dalabkaas,
Isagoo ka baqaya in loo masaafuriyo Soomaaliya oo uu sheegay in dhowr jeer ay naftiisu halis gelisay Xarakada Al-shabaab, ayuu saxiixay dalabkaas,

Dhanka kale, nin Ciraaqi ah oo sidoo kale laga soo qabtay meel u dhow xuduudka Finland ayaa u sheegay dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha in isagana lagu cadaadinayo inuu saxiixo qandaraas ciidan si uu u buriyo amarka masaafurinta.

Waxa uu sheegay in noloshiisu ay halis weyn ku jirto haddii uu Ciraaq ku laabto. Lama oga inuu ogolaaday inuu saxiixo qandaraaska.

Sii hayaha safaaradda Soomaliya ee dalka Ruushka, Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay dhibaatada dadka Soomaliyeed ku haysata xadka dalalka Belarus iyo Poland ay ahayd mid in muddo ah jirtay, balse tan hadda ka taagan xadka Ruushka iyo Finland ay tahay mid dhawaan soo bilaabatay.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore fisa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub.

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan Finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame, sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Ruushka waxaa kale oo uu BBC-da u sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dhalinyaro oo ay ka sii daayeen xabsiyada dalkaasi.

“Sanadkaan waxaan kasoo daynaya xabsiyada iyo xarumo ciidan oo ku yaal xadduudaha u dhaxeeya Poland iyo Belarus dhalinayaro Soomaliyeed oo gaaraya ilaa 28 kuwaas oo xataa baasboorradii ay wateen ay ka lumeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

BBC

Hadalsame Media