”Sidani sax ma aha!” – Naqdin ku fooggan sida loo qaabeeyey dood xalay laga baahiyey warbaahinta DF (Daawo)

0

(Muqdisho) 09 Dis 2023 – Dooddaan iyo dumarka qurba joogta ah ee yiraahd nimankii waxaa naga dhacay dumarka Afrika joogga waa iska ag dhoowyahiin, waxaana ka dooddi kara labadaba, qof xanaaaqsan oo raba inuu caytamo masuuliyad uu gabayna cid kale ku eedeeyo.

SNTV iyo SONNA siddaan sax ilma ahan mana ahan ciwaan laga dooddi karo oo wax lagu darsan karo sidda hadalka u dhigteen “Yaa qaatay shaqooyinka muhiimka ahaa ee dalka yaallay.” Shaqadii dalka ciddana ma qaadan waa taal, cid dagaashayna ma jirto.

Waan dareensanahay halka aad u socotaan waa inaaad dood ka qabataan yaa u badan fursadaha suuqa shaqada, ciwaankana sidda aad u dhigteen waa laga haboonaa, siddoo kale suuqa shaqada cidda u badan waxaa ka jawaabi kara in la helo xog tiro ah (Statistics) markaas ka bacdi qolada u badan sababta u bateen laga dooddi karaa oo waxa laga dhahi karaa ayadoon tira lahayn waxii laga sheego waa muran iyo is-eedayn salka ku haya xan iyo tuhun.

Midda kale dadka dooddaha aad u xulaysaan ayaa macno tiraya mowduuc walba oo laga dooddi lahaa, marka aad xulataan dhalinyaro aan xog-oggaal ahayn iyo dad xanaaqasan oo si aan moowduuci ahayn (Subjective) u hadlaya waxay nuxura ka qaadayaann najiidadda doodda.

Dhanka kale waxaan soo jeeden lahaa suuqa shaqada cidda u badan in la ogaado waxaa ka xigmad fiican in la ogaado doorka iyo waxay dalka ku soo siyaadiyeen qurba joogta, kaas wax badan iftiiminaya meelahaan aad u socotaana macluumaad ka baxinaya, haddii aad u xulantaan dadkii saxda ah inay ka qeyb qaataan.

Sidoo kale, maadaama ay warbaahintu tahay middii ku hadlaysey afka DF waxaa fiicnayd inay is waydiiyaan su’aalo ku saabsan shaqooyinkii laga filayey inay abuurto DF Somalia, maadaama inta badan shaqooyinku ay yihiin kuwo ay dadku abuureen.

Waxaa kale oo muhim ah inaan bulshada laga dhex abuurin doodo iska hodhodho ah oo ummadda u qaybinaysa dabaqado laakiin aan lahayn nuxur iyo micne kale oo wax kusoo kordhinaya bulshada ama xitaa laga leeyahay dan ka badan in dhacdo la qabto.

Halkan ka DAAWO….

W; Q: Cabdinuur Wayrax

Hadalsame Media