Dowladda Turkiga oo si rasmi ah uga hadashay shilka wiilka MW & Xeerka uga yaalla qofkii shil gaari qof ku dila

0

(Hadalsame) 08 Dis 2023 – Wasiirka cadaalada Turkiga Yılmaz Tunç oo la hadlayay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa waxa uu soo hadal qaaday shil gaari oo ka dhacay magalada Istanbul kaas oo uu duqa magaaladaasi sheegay inuu gaystay, wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Turkiga, shilkaan ayaa waxaa uu sababay dhimashada darawal mooto oo lagu magacaabi jiray Yunus Emre Göcer.

Shilkaan sababay geerida ayaa waxaa uu dhacay 30-ka bishii hore Noofambar, waxaana uu ka dhacay meel u dhow waddada Eurasia Tunnel ee magaalada Istanbul.

“Waxaa jiray shil sababay dhaawac kaas oo aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo guda galin balse baaritaan ayaa socoda,” ayuu yiri Yılmaz Tunç, Wasiirka cadaalada Turkiga oo shir jaa’id su’aalo lagu waydiinayay.

Wasiirka cadaaladda Turkiga

XIGASHADA SAWIRKA,DHA

Ninka shilkaan ku geeriyooday oo 38 jir ahaa ayaa markii hore waxaa soo garay dhaawac culus, balse lix maalmood kadib ayuu ku geeriyooday Isbitaalka tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul sida uu sheegay duqa Istanbul .

muqaal uu kusoo dhigay bartiisa X ee horey loo oray jiray Twitter oo uu ku sheegay in uu yahay mid duubay sidii uu shilku u dhacay, ayaa muujinaya gaari dhinac gadaale uga imaanaya mooto laba lugaaleey ah, kadibna uu gaarigu mootada ku dhacayo.

Sidoo kale oo wasiirka cadaaladda Turkiga oo soo xiganaya muqaalkaas ayaa warbaahinta la wadaagay in gaarigu uu gadaal ugu dhacay Mootada.

“Hadii meesha uu danbi ka dhaco, darajada uu doono ha wato, qof kast oo uu yahayba, waa loo siman yahay sharciga hortiisa, waxaana arrinta gacanta ku haya xafiska dacwad oogaha Istanbul”.

Inkasta oo sida uu sheegay Duqa magaalada Istanbul qofka kiiskaan ku lugta leh uu yahay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, haddan wasiirku waxa uu sheegay in uu mari doono nadaamka garsoorka ee u dagan dowladda Turkiga.

Wadooyinka Turkiga

XIGASHADA SAWIRKA, DOWLADDA TURKIYE

Maxaa Turkigu uga yaala qofkii qof shacab ah shil ku dila?

Zakariye Xasan Ibrahim oo dagan dalka Turkiga sidoo kalna ku bartay cilmiga qanuunka ayaa BBC-da uga warmay waxa uu xeerka turkigu ka qabo qofkii gaysta shil uu qof ku dhinto.

“Hadii uu shilku sababo dhimasho waxaa lagu xukumi karaa qofka gaysta ilaa 7 sano oo xariga ah ugu badanaa ayada oo la baarayo sida shilka uu u dhacay „ ayuu hadlkiisa sii raaciyaya.

“Hadii uu sababo dhaawac fudud waxaa uu qaba xeerka ciqaabta ee dalka in qofka gaystay lagu xukumi karo ilaa sadex bilood, Lakiin hadii uu qofku shilka ku waayo lug ama xubin ka mid ah jirkiisa, wuxuu musataysan kara ilaa lix bil oo xariga ama hal sano ugu badanaa” ayuu yir yir Zakariye Xassan.

Booliska ayuu sheegay in ay xaq u leeyihiin in baraan oo ay sii dayaan qofka hadii uusan geeri shilku sababin, balse hadii ay elahada dhibanaha ay dalbadaan ay sameyn karaan in qofka lasoo xiro.

“Qofka la iskama xiri karo, hadii uu fal danbiyeed dhaco waa in ay dadka ehalka ay dalbadaan in loo xiro”

Waxaa kale oo uu sheegay in qofka shil gaystay hadii uu waxyeelo soo gaarsiiyo dad badan lagu xukumi karo ilaa sadex sano oo xabsi ah.

Kiiska loo haysato wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay in uu yeelan karo labo waji, maadama uu markii hore uu dhaawac sababay, markii dambana dhimasho.

“Muddo kadib ayaa ninkii dhintay, taas oo khsabtay in dib loo furo kiiska oo dib loo baaro, laakin sii dayntii hore waxaa ay ahyed mid sax ah oo sharciga ayaa sidaas qaba”, ayuu BBC da u sheegay sharci yaqaan Sakariye.

Falalka noocaan oo kale ah ayuu sheegay in inta badan ay ka dhacan dalka Turkiga oo aysan ahyen mid cusub.

“Sharciga waa loo siman yahay oo qof walba waa xukumi karaa, laakin waxaad muuda in kiiskaan uu hadal hayn abuurtay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sharci yaqaan Sakariye.

Warbaahinta gudaha ee Turkiga iyo sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa ka hadlay kiiskaan, iyaga oo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay si wayn uga sii hadlayeen.

BBC Somali waxay isku dayo xiriir la sameeysay madaxtooyada Soomaaliya iyo sidoo kale safaradda Soomaaliya ee Turkiga, si ay wax uga waydiiso fikirkooda ku aadan kiiskaan loo haysto wiilka madaxweynaha Soomaaliya, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

BBC

Hadalsame Media