MW Xasan Sh oo meesha ka saaray arrin fiican oo uu horay u jideeyey MW hore ee Farmaajo

0

(Muqdisho) 08 Dis 2023 – MW Xasan Sheekh ayaa meesha la saaray sunno siyaasadeed oo uu hindisey MW hore ee Maxamed Farmaajo, taasoo ay dad badani u arkayeen tillaabo wanaagsan, balse waxaa sida muuqata meesha ka saaray MW haatan.

Tillaabadaasi waxay ahayd in qolka waraaqaha looga guddoomayo danjirayaasha qalaad ee Somalia loosoo diro la suro sawirka MW ugu horreeyey dalka Somalia ee Aadan Cadde, si loogu maamuuso, tiiyoo ay jirto in dalal badani ay sidaa u maamuusaan qof soo xukumay ama usoo halgamey.

Tusaale, Hindiya oo dimoqraadiyad wayn ah meelaha lama suro sawirrada madaxda ka talisa, balse waxaa la saaraa Mahatma Gandhi oo xornimadeeda caga caddaan ugu dagaallamay. Halka Pakistan ay maamuusto Mohamed Ali Jinah.

Yeelkeede, MW Xasan Sh ayaan raacin tillaabada uu jideeyey MW hore iyadoo taas lagu micneeyey siyaasadda Somalia oo uu ka jiro xafiiltan dugsi hoose ah oo uu nin waliba meesha ka saaro wixii uu keenay qofkii hore xitaa haddi ay wanaagsan yihiin.

Waxaad arrintaa ka xaqiijin kartaa sawirradii laga qaaday munaasabaddii koobnayd ee shalay waraaqaha aqoonsiga DANJIRE looga guddoomayey Safiirka Talyaaniga ee cusub Pier Mario Daccò Coppi.

Image

Hadalsame Media