DAAWO: Waxa loola jeedo ”lafti nageya & Sami nageya” oo la sheegay (Oromadu dagaalka malla geleysaa Somaliland + Jawaabta?)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2023 – Waxaa baraha bulshada aad u qabsaday kelmado ay beri dhowayd Aba Gedayaal Oromo ihi ah ka sheegeen magaalada Hargaysa oo ay dadku ka qabsadeen ”lafti nageya & Sami nageya, Waa qkaafi iyo qaar kale oo badan…” oo af Oroma ah oo ay dadku siyaabo kala duwan u micneeyeen.

Qaar baa xitaa sixir ku sheegay, balse odayada mid ka mid ah oo hadalka tarjumayey ayaa dadka u micneeyey waxa loola jeedo kelmadahan oo uu tilmaamay inay ducooyin uun yihiin.

Wuxuu u sheegay in hadalkani uu raacsan yahay dhaqankooda oo ah in kulan kasta duco lagu bilaabo islamarkaana loola jeedo ”waaga beryaa waa nabad, maalintu waa nabad, gabaldhacuna waa nabad. Goor iyo ayaan nabad Alle hanna siiyo.”

Wuxuu kale oo sharraxay in aanay jirin bad ay raadinayaane ay kaliya doonayaan in la wada shaqaysto oo la is kaashado isagoo sheegay in Soomaalida iyo Oromadu ay walaalo yihiin.

Wuxuu kale oo uu xusay in dagaalka ay Somaliland la gashay SSC ay iyagu dhexdhexaad ka yihiin dhaqan ahaanna aysan diyaar u ahayn inay ku milmaan wixii ka socda gudaha Soomaalida.

”Annagu dagaal ehel isku hayo oo berriba laga heshiin doono geli mayno.” ayuu yiri.

Hadalsame Media