Kenya oo sheegtay hadal ay marba mid uga farxinayso DF Somalia & Maamulka Somaliland

0

(Nairobi) 07 Dis 2023 – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Kenya, Amason Jeffah Kingi, ayaa noqday mas’uulkii ugu dambeeyey ee Dowladda Kenya ka tirsan ee khilaafa siyaasadda ”Soomaaliya mid ah” oo ah midda ay Kenya sheegato inay ku socoto, isagoo gobolka gooni-goosadka ah ee Somaliland ku magacaabay jamhuuriyad ay Kenya la leedahay xiriir soo taxnaa ilaa waagii ay gumaystaha Ingiriisku ka talinayey, taasoo dhaxalsiisay nidaamyo iyo qaab-dhismeedyo isku mid ah oo dawladnimo.”

Kingi ayaa waxa uu sidan sheegay kaddib markii uu la kulmay Mohamed Ahmed Mohamoud oo ah Madaxa Xafiiska Xiriirka Somaliland ee Nairobi, kaasoo uu sidoo kale ku tilmaamay “Safiirka Kenya ee Somaliland”.

“Waxaan sahminnay waddooyin cusub oo wadashaqayn iyo iskaashi ah oo u dhaxeeya dowladaheenna iyo hay’adahooda kala duwan, kuwaasoo ay ku jiraan baarlamaanada labada dal,” ayuu Kingi ku yiri qoraal uu soo dhigay X, oo hore loogu yaqaanay Twitter, Talaadadii.

Hadalkan ayaa si kastaba ha ahaatee markii dambe la tirtiray iyadoo aan wax raalligelin ah laga helin Kingi.

Yeelkeede, Talaadadii, Xoghayaha Arimaha Dibeda Kenya, Korir Sing’oei, ayaa soo jeediyey in Mr Kingi uu ambaday balse uu xaqiijiyo sida ay Kenya uga go’an tahay la macaamilka hal nidaam oo ah DF Somalia.

“Waa go’aanka Kenya sugan ee aan is bedelin ee siyaasadda arrimaha dibedda, kaasoo waafaqsan mowqifka Midowga Afrika ee ah in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo keliya ay tahay dowladda la aqoonsan yahay,” ayuu yiri.

“Somaliland oo waa gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa ayna Nairobi ku leeyihiin xafiis isku xira (liaison office) arrimaha ganacsiga oo qura. Xafiisna safaarad maaha.” ayuu xaqiijiyey Wasiirka oo saxaya hadalka Guddoonka Senet-ka.

Hadalsame Media