Dalal markii hore taageersanaa qaadista cunaqabataynta Somalia oo hadda cabsi muujiyey & Dalal taageero u muujiyey

0

(Hadalsame) 07 Dis 2023 – Ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo sidoo kale ballanqaad ku saabsan dib-u-habayn gudaha laga sameeyo ayaa gacan ka gaystey in dalka laga qaado cunaqabataynta hubka ee lagu soo rogay 31 sano kahor, oo markii hore lagu doonayey in lagu xakameeyo qabqablayaashii dagaalka, laakiin markii dambe lala beegsaday dagaalyahannada Al Shabaab.

Laakin dabaaldegga tallaabadan uu qaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (UNSC) usbuucii hore ayaa la iman kara walaac cusub oo soo wajaha saaxiibbada ku jira EAC halkaasoo hubka lagala tallaabo xuduudaha daldaloola ee ay Somalia la leeyihiin ay inta badan horseedaan weerarro xagjirnimo oo ka dhaca dalalkaasi, sida uu qoray EA.

Qaadista cunaqabataynta ayaa u ogolaanaysa Muqdisho inay ku hubayso ciidamada booliiska iyo kuwa millateriga hub casri ah. Laakiin saaxiibada EAC ayaa wajahaya howl adag oo ah hubinta in hubka ku dhacay gacma khaldan aan loo isticmaalin cunfi ka dhaca xuduudahooda.

Diblomaasiyiin ka hadlay Qaramada Midoobey Jimcihii ayaa soo jeediyey in lasii wado dib-u-habaynta Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo maaliyadda, iyo sidoo kale sida ay diyaarka ugu tahay is dhexgal lala sameeyo dalalka deriska kuwaasoo ka mid ah saamaynta ugu wayn ee lagu qaaday xannibaadaha.

Diblomaasiyadda reer Japan ee Shino Mitsuko oo ah Xigeenka Danjiraha dalkaasi ee QM, ayaa sheegtay in dalkeeda uu taageeray qaraarka cusub sababtoo ah waxa uu bartilmaameedsanayaa kuwa ku xadgudba oo ay ula jeeddo dhinacyada aan dowladda ahayn, halkii la ciqaabi lahaa dowlad doonaysa inay dib isu dhisto.

Waxay ku doodday in Soomaaliya ay hadda xor u noqon doonto inay “kor u qaaddo iskaashiga ammaan ee gobolka si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee gobolka”.

Diblomaasi u dhashay Ghana ee Harold Adlai Agyeman, oo ah Danjiraha dalkaasi ee QM, ayaa isagaoo sidoo kale ku hadlaya magaca dalalka Gabon iyo Mozambique (xubnaha Afrikaanka ah ee ku jira Golaha Ammaanka), ayaa sheegay in Soomaaliya ay horeba u samaysay tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dejinta nidaamka maaraynta hubka, “kaasoo lagu qiray qaraarka”.

Hadalsame Media