”Way guulaysanayaan” – Maraykanka oo afkiisa ku qiray qaadayna tillaabo keenaysa in Ruushku ka adkaado Ukraine

0

(Hadalsame) 07 Dis 2023 – Xirmo kharash ah oo uu soo jeediyey Aqalka Cad, oo ay ku jiraan in ka badan $ 60 bilyan oo Doollar oo maalgelin ah oo loogu talagalay Kiev, ayaa ku guuldarraystay inay u gudubto Senate-ka, markii ay waydey 60-kii cod ee lagama maarmaanka u ahaa in la ansixiyo.

Codka ugu dambeeya ayaa noqday 49 taageeray halka 51 ay kasoo horjeesteen; Mucaaradka Jamhuuriga ayaa u codeeyey sharcigan iyaga oo garabsanaya Senator Bernie Sanders, oo ka madaxbannaan kana socda Vermont balse caadiyan u codeeya Dimoqraadiyiinta.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda ee Chuck Schumer, oo ah Dimoqraadi reer New York ah, ayaa sidoo kale nu codeeyey “maya” si uu mar kale u keeno mooshinkan taariikh dambe, sida uu qabo The Hill.

Aqalka Cad ayaa markii hore codsaday $105 bilyan oo Doollar oo ah maalgelin deg deg ah oo kab miisaaniyadeed “amniga qaranka ah” bishii Oktoobar, isagoo doortay inuu isku xiro gargaarka Ukraine, lacagta loogu talagalay Israel, Taiwan iyo “amniga xuduudaha” si ay u qanciyaan Jamhuuriga oo ay qorshahan uga gadaan.

Aqalka aqlabiyadda GOP ayaase ku adkaystay in arrin kasta loola tacaalo si qoondayn gaar ah – taasoo uu diidey Senate-ka ay Dimoqraadigu ku badan yihiin.

Horraantii maalintaas, Madaxwayne Joe Biden wuxuu ku boorriyey Senate-ka inay ansixiyaan sharcigan, isagoo ku eedeeyey Republicans-ka inay rabaan “inay si dhab ah u jilba xiraan Ukraine oo ay dhaawacaan amniga qaranka iyo geeddi-socodkiisa”.

“Run ahaantii, dunida oo dhami way  daawanaysaa: muxuu Maraykanku samayn doonaa?”

Biden ayaa u sheegay weriyeyaasha, isagoo soo jeediyey in hoggaanka Maraykanka la’aantii, G7, Midowga Yurub iyo Japan laga yaabo inaysan sii wadin taageerada Kiev, taasoo si wax ku ool ah guul u gaarsiinaysa Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media