SIR LA DAADIYEY: Dal qortay ”ciidan badeed” aan dabaalan karin & Jab wayn oo soo gaarey

0

(Hadalsame) 07 Dis 2023 – Askari ayaa xog qarsoodi ah oo uu bixiyey ku ”kashifay” in dalkiisu uu qortay ciidan aan lahayn tababarkii iyo diyaar garowgii loo baahnaa, taasoo keentay inay khasaare wayn la kulmaan.

Askar Yukreeniyaan ah oo da’yar iyo kuwo aan si saaxi ah loo tababarin ayaa loola cararay  jiidda hore ee dagaalka ee u dhow Kherson, kuwaasoo quud u noqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka iyo rasaasteeda, sida uu BBC-da u sheegay askari magaciisa qariyey.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in khasaaraha dhabta ah ee soo gaarey ciidanka Ukraine uu daboolayo ama qarinayo Madaxwayne Vladimir Zelensky.

Waa meel ka yar xaafad, tuulada Krinki oo ku taal daanta bari ee webiga Dnieper, oo wax ka yar 40km woqooyi barikaga beegan Kherson. Dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, ciidamada Ukraine ee ku urursanaa daanta galbeed ee webiga ayaa waxay isku dayayeen inay ka gudbaan webiga oo ay ka samaysteen buundo macmal ah si ay weerarro kale ugu qaadaan Ruushka.

Millateriga Ukraine ayaa todobaadkii hore sheegtay in ciidamadooda ay ka gudbeen webiga ayna “waxyeello dab ah gaarsiiyeen cadowga.” sida uu xusay Zelensky oo sheegay inuu jeclaan lahaa hub dheeri ah oo reer Galbeedka uga yimaada, balse uu “ku qanacsan yahay” horumarka ciidamadiisa.

“Dhammaan ciidankii webiga ka gudbayey waxaa qabsatay rasaas joogto ah,” ayuu yiri askariga is qariyey. “Waxaan arkayey doonyo ay saaxiibadey la socdaan oo ku baaba’aya biyaha kaddib markii la duqeeyey, qaar baa mar qura la waayey oo ku mirqay webiga Dnieper,” ayuu raaciyey isagoo sheegay in askarta qaarkood aysan xitaa dabaal aqoonin.

“Waxaa nagu jira wiilal badan oo dhallinyaro ah,” ayuu yiri. “Waxaan u baahan mahay dad, laakiin dad tababaran, ma rabno kuwan cagaaran (indha-baqaaq) ee aan hadda meeshan ku haynno. Waxaa jira qaar saddex toddobaad oo kaliya qaatay tababarka, iyagoo kaliya abidkood xabbad ridey dhowr jeer. ” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media