”Waxaan ka baqayaa in Qiyaamihii noosoo deg dego” – Guddoonka Baarkamanka Maraykanka oo si cad u weeraray kooxaha LGBTQ (Meel ay kusoo bateen?)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2023 – Iimayl lacag ururin ah ayaa lagu soo warramayaa inuu afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Mike Johnson uu u diray taageerayaashiisa isagoo u sheegay in tirada sii kordhaysa ee ardayda dugsiyada ee LGBTQ inay astaan u tahay ‘dhaqan gurracan’ oo ay ciqaab wadareed kula dhici karto dalkaasi.

Farriintan oo la qaybiyey Axaddii oo markii ugu horreeysey ay soo warisey Punchbowl News ayaa sheegaysa in Johnson uu ka baqayo in “Maraykanka laga yaabo inuu dhaafay xilli toowbo laga aqbalayo” isagoo doonaya inuu waydiiyo codbixiyayaasha haddii ay u malaynayaan in qaranku uu si sidii hore ka badan ugu baahan yahay “Ilaahay”, sida uu qoray.

Waxay warqaddu ka dayrisay nambarrada xaadirista kaniisadaha oo aad hoos ugu dhacaya oo ay ku sheegtay mid “cabsi leh” waxayna xustay: “in mid ka mid ah 4tii arday ee dugsiga sare uu yahay LGBTQ – maxaa lagu bartaa dugsiyada?” ayuu is waydiiyey Guddoonka Aqalka Hoose oo ka mid ah labada aqal ee Koongarayska oo ah hay’adda ugu xooggan Maraykanka.

Warbixin ay daabacday Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) bishii Abriil, taas oo ku salaysan xog la qaaday 2021, ayaa sheegtay in 75.5% kaliya ardayda dugsiyada sare ee Maraykanka loo aqoonsaday inay yihiin sidii caadiga ahayd.

Qaybaha kale waxaa ka mid ahaa 12.2% labbada dhinacba gala, 5.2% su’aalo qaba ama jahawareersan, 3.9% oo others lagu sheegay, 3.2% laga roonayaal toosa ah iyo 1.8%, sheegay in aanay fahmin su’aasha dhanba.

Waxaa dheer, in saamiga ardayda aan tooska ahayn ay ka kacday 11% oo ay ahayd 2015 iyadoo gaartey 26% 2021, halka jaamacadaha qaarkood sida A Brown University ay xaaladdu faraha ka baxday oo ay marayaan 38% marka la isku wada qabto dadka dhaqan xumada aqbalay ama ugu yaraan la dhacsan, sida ay sheegtay CDC.

“Aan wajahno runta – waxaan ku noolnahay dhaqan xumo,” emailka Guddoonka ayaa u akhrismayey. Kooxaha muxaafidka ah ayaa xitaa bilaabay inay DF ku dhaliilaan in dhibku yahay noocyada cuntada carruurta la siinayo.

“Waxaan ka baqayaa inuu Ilaahay Qiyaame naga dul ridooo uu na geliyo xukun ciqaab wadareed dembiyadeenna wadareed dartood.” ayuu ku qoray iimaylka oo ay durba cambaareeyeen kooxaha uu duray oo kaalmo aan caadi ahayn oo mararka qaar ka badbadis ah ka hela dowladaha Galbeedka.

Hadalsame Media