Itoobiya oo durba Somalia uga hormartay xiriirka Ruushka (Howl ka socda 8 dal oo Afrikaan & Qaar kale oo ballansan)

0

(Hadalsame) 07 Dis 2023 – Dad badan oo Afrikaan ah ayaa horay u bartay luuqadda Ruushka markii ay wax ka baran jireen Jaamacadihii Soofiyeedka, iyagoo ka faa’iidaysana iskaashigii Moscow iyo qaarada kaasoo hoos u dhacay sanado kaddib burburkii USSR, hadda se Ruushku wuu soo laabanayaa, luuqadduna sidaas oo kale, ayaa lagu qoray maqaal dheer oo kusoo baxay warbaahinta Ruushka ee RT.

Sanadihii lasoo dhaafay, tirada ardayda ku takhasustay luuqadda Ruushka ayaa kor u kacday waxayna ku dhowdahay 10% marka la barbar dhigo takhasusyada kale. Gudaha Afrika lafteeda, hadda waxaa jira fursado badan oo lagu barto Ruushka.

Qaar ka mid ah dalalka Afrika, af Ruushkan waxaa lagu dhigtaa jaamacadaha, qaar kalena waxaa lagu dhigaa dugsiyada dadwaynaha ee tooska ah. Hay’adda Federaalka ee Ruushka ee Barwaaqo-sooranka dalalka Madaxbanaan, hay’adda Jaaliyadda ku nool Dibedda, iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Bani’aadannimada (Rossotrudnichestvo) ayaa waxay ka shaqeeyaan wadamada aan luuqadda Ruushka aad looga jeclayn.

Waxay hadda ka furan yihiin siddeed waddan oo Afrikaan ah (Tunisia, Morocco, Masar, Ethiopia, Tanzania, Zambia, South Africa, iyo Jamhuuriyadda Congo). Marka la gaaro 2025, Xarunta Sayniska iyo Dhaqanka Ruushka (RCSC) waxay goobo cusub ka furi doonaan Algeria, Angola, iyo Mali, iyadoo lagu socdo heshiisyo lala gelayo NGO-yo maxalli ah.

Masar, waxaa horraanba uga jirey laba xarumood oo ah Russian Houses iyo hal RCSC. Xarumaha Dhaqanka (kaltuurooyin) waxay bixiyaan koorsooyin luuqadeed oo ay helayaan ardayda qorshaynaysa inay iska diiwaan geliyaan jaamacadaha Ruushka.

Marka loo eego xogtii ugu dambeysay, ilaa 2,000 oo qof ayaa horraanba u dhamaystay koorsooyinkan.

Dalka Senigaal, dhallinyaradu waxay bilaabi karaan barashada luuqadda Ruushka iyagoo u baranaya luuqad labaad ahaan waxayna ka helayaan dugsiga farsamada gacanta ama dugsiga sare.

Dalkeenna Somalia ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyey Afrika ee xiriirka wanaagsan la yeeshay Soofiyeedkii burburay, waloow markii dambe uu xiriirkaasi xumaaday markii ay Somalia qaadatay go’aan qar iska tuur ahaa oo Ruushka laga cayriyey dalka.

Hadalsame Media