Qalliin naadir ah oo uu Shiinuhu ku guulaystey oo ay weli dunidu hadal hayso

0

(Hadalsame) 06 Dis 2023 – DHACDO YAAB LEH: 2013-kii, nin dhalinyaro ah oo u dhashay Dalka shiinaha laguna magacabi jiray Xiao Wei, ayaa isaga oo ku gudo jiro shaqadiisi maalinlaha aheeyd ee warshadii uu ka shaqeeyn jiray, bey midkamid ah mashiimaha uu ku shaqeeynaay gacanta midig ka gooysay (cumaacumta ama halka saacada laga xirto, ayay gacantu ka go’day).

Isbitaal u dhowaa baa lageeyay isaga oo lagu garab wado gacantii go’day, deedna waxa ay ushegeen in aysan waxba u qaban karin. Kadib baa lagu xiriiriyay Dhakhtar isna Shiineeys ah oo ladhaho Tang Juyu.

Dr. Tang baa waxa uu layimid hal abuur cajiib ah, badbaadshayna gacantii ninkaa dhalinyarada ahaa. Qaliin dhowr saacadood socday, Dr. Tang waxa uu ku dhajiyay/kutolay gacantii go’day meel udhow anqowga lugta bidix ee Xiao, si ay uga heesho dhiiga iyo Nafaqooyinka kaleba, aysana gacantu u dhiman.

Bil kaddib, qaliin kale ayaa lagu celiyay, gacantii lugta ayaa laga soo furay kadibna waxaa lagu celshay/lagu tolay meeshii ay ka go’day. Xie, qalliinka kaddib waa uu awooday in uu gacanta dhaqdhaqaajiyo, waxaa ayna dhakhaatiirtu ku wargeliyaan in ay mudo 6 bilood ah kaddib neerfayaashu kabsan/bogsan doonaan, gacantuna ay sideedi hore u shaqayn doonto, sida uu sheegay Dr Tang Juyu.

Dhacdadaan yari waxa ay kutusineeysa heerka horumarineed ee ay gaartay aqoonta caafimadka ee qaarnigaan cusub.

Chinese surgeons reattach a man's severed hand after keeping it alive on his leg for a month - ABC News

W; D: Aw Maxamuud

Hadalsame Media