DAAWO: “Waxaad disheen rayid ah aan naqaanno!” – CNN oo si aan looga baran ula hadlay Israel (Weliba weriye Yuhuud ah oo….)

0

(Atlanta, GA) 06 Dis 2023 – Weriyaha ruug caddaaga ah ee Jake Tappar ayaa furka ku xooray Mark Regev oo ah la-taliyaha RW Israel ee Benyaamiin Netanyaahu, oo CNN ugu faani rabey inay ciidanka IDF u dhaqmeen si “insaannimo leh.”

Wuxuu xitaa ku faanay inay ka bini’aadansan yihiin reer Galbeedka marka ay la dagaallamayaan wax uu ku sheegay “argagixisada”, markaas ayuu is hayn waayey Tapper oo laftiisu Yuhuud ah.

Tapper shot back, “It’s very hard to believe that, especially on a day when one of our producers lost nine members of his family. Nine members of his family who are not members of Hamas, not members of the Palestinian Islamic Jihad, not members of any group. Just nine people just trying to live their lives.”

“Aad bay u adag tahay in la rumaysto taas, gaar ahaan maalin uu mid ka mid ah soo-saarayaasheenna ay ka dhinteen sagaal xubnood oo qoyskiisa ah.

“Sagaal xubnood oo qoyskiisa ah oo aan ka tirsanayn Xamaas, aan xubin ka ahayn kooxda Jihaadka Islaamiga ah (Islamic Jihad) ee Falastiin, aan xubin ka ahayn kooxna. Kaliya sagaal qof oo isku dayayey inay noolaadaan.” Ayuu ku qayliyey weriyaha CNN.

Regev oo weli is difaacaya ayaase wuxuu sii waday inuu dhibbanayaasha ku eedeeyo dilka ay u gaysteen duqaymaha aan kala sooca lahayn:

“Ugu horrayn, waxaan u dirayaa tacsi isaga, laakiin haddii aan si sax ah u arkay warbixintaada – fadlan i sax haddii aan wax khaldan sheego – taasi waxay ka dhacday woqooyiga Gaza, halkaasoo bil kahor aan hore u waydiisannay dhammaan dadkii rayidka ah inay ka baxaan, badidoodna sidaa way sameeyeen,” ayuu ku dooday.

Waxaa mar kale beentiisa kashifay Tappee oo ku halgaaday: “Ma eedayn kartid iyaga. Ma eedayn kartid iyaga, “ayuu ku dooday Tapper.”

“Koonfurta hadda dagaal baa ka socda! Tan iyo waxaan waydiinayey 7-dii Oktoobar. Xaggee dadkani aadayaan?” ayuu waydiiyey isagoo u sheegay inuu ka warqabo in dadkii loo sheegay inay koonfurta u qaxaan halkaana lagu xabadeeyey.

Hadalsame Media