Gantaalaha Xamaas oo gaystey jug halis ah + Sawirro (Maxaa la qarinayey oo uu kashifay dayax-gacmeedku?)

0

(Qasa) 06 Dis 2023 – Gantaal ay soo rideen kooxda Xamaas ee Falastiiniyiinta ah intii uu socdey weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ayaa hadda la sheegayaa inuu ku dhacay saldhig ay leeyihiin ciidamada Israa’iil oo la rumaysan yahay in lagu kaydiyo gantaalaha xambaari kara nukliyeerka, sida uu qoray wargayska New York Times Isniintii, isagoo soo xiganaya falanqayn lagu sameeyay sawir dayax-gacmeed.

Sida laga soo xigtey xogta NASA ee loo isticmaalo in lagu ogaado dabka ka kacaya kaymaha islamarkaana uu dib u eegis ku sameeyey wargaysku, hal gantaal, oo loo badinayo inay rideen Xamaas, ayaa ku dhacay saldhigga Sdot Micha ee bartamaha dhulka ay haysato Israa’iil saacadihii hore ee weerarkii 7dii Oktoobar.

Duqayntan ayaan sida muuqata si toos ah ugu dhicin wax gantaal ah, balse waxay sababtay dab “ku dhowaaday xarumaha lagu kaydiyo gantaalaha iyo hub kale oo xasaasi ah,” ayay tiri warbixinta oo ay xitaa soo qaadatay warbaahinta Israel.

Sawirrada dayax-gacmeedka ee uu wadaagay Times ayaa muujinaya agagaarka Sdot Micha wixii ka dambeeyey weerarkii gantaalaha Xamaas, iyadoo laga arkayo bar wayn oo gubatey oo meeshaa ka muuqatey Oktoobar 8.

Duqaymaha ka dhacay agagaarka goobtan xasaasiga ah ayaa socdey dhowr saacadood, sida uu maqaalku leeyahay. Ma cadda se inta gantaal ee ku guulaystey inay ka baxsadaan nidaamka difaaca hawada ee caanka ah ee Qubada Birta ah ama Iron Dome ee Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee, hal gantaal ayaa la rumaysan yahay inuu ku dhacay tog yar oo u dhow xarun ay ku kaydsan yihiin gantaalaha Jericho, oo leh nidaamka raadaar iyo qunuxyada waawayn ee la geliyo gantaalaha difaaca hawada.

Israeli facility linked to nuclear program hit in Hamas strike – NYT

Militant Rocket Hit Base Linked to Israeli Nuclear Missile Program - The New York Times

Hadalsame Media