6 arrimood oo laga doonayo DF si ay Somalia u noqoto dal haysan kara hub waawayn

0

(Hadalsame) 06 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 1-dii bishan oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Haddaba, waxaa jira dalal ay u badan tahay inay Somalia siiyaan hub culus kaddib qaadista cunaqabatayntii dalka saarnayd tan iyo 1992-kii, balse tiiyoo ay jiraan doodo badan oo ku gedaaman cunaqabataynta la qaaday, misna waa inay Somalia la timaadaa siyaasad bisil oo ay ku kala badbaaddo duniduna uga badbaaddo.

1Madax yari & madax adayg – Waa astaan shakhsiyadeed (personality) oo wax badan u dhibtay Soomaalida waana in la iska gaaro go’aan aan marka hore si wayn loo bislayn loogana baaraandegin, kaddibna lagu dhego ama lagu adkaysto xitaa marka la arko inaysan xaajadu meel fiican ku dhammaan doonin. Marka hub ay joogto waa in labadaa laga digtoonaadaa.

2 – Hubka wax ku guul guul (deterrence) balse dagaal haku gelin. Inta la ogyahay ee shaacsan waxaa la sheegaa inay dunida yaallaan 12,500 oo madax oo nukliyeer ah, misna dalalka haysta kuma jiro mid u bisinbisoonaya ama jecel inuu adeegsado waxaana xitaa lagu tilmaamaa in nukliyeerku yahay sababta marar badan baajisay inuu ilaa haatan dhaco dagaal wayn ama mid 3-aad (war deterrence).

Sababtu waxay tahay dalalku waxay hubkan istaraatijiga ah u haystaan in looga baqo oo aan lagusoo deg degin laakiin uma baahna inay adeegsadaan, waayo haddii ay taasi dhacdo waa la wada degayaa. Soomaalidu waxay leedahay dabci ah in marka ay hub aragto ay dagaal la doonato waa in dhaqankaasi is bedelaa oo la bislaadaa. Haddii aad dagaal gasho dhaqaale iyo siyaasadba waa ka burburtay wax kasta oo ay natiijadu noqoto.

3Hubka xil haku doonin. Mid ka mid ah sababihii ridey nidaamkii ciidanku wuxuu ahaa hubkii dalka oo loo adeegsadey inuu qof kursiga ku haysto, taasoo ahayd aragti gaaban oo dhalisay in ilaa maanta uu qofkii xil loo dhiibaaba ku dheggan yahay isagoo adeegsanaya awooddii dalka. Waa khalad.

4 – Hubka dowladda waa in gacmo reereed laga dhowraa. Mid kale oo keentay in la naco dowladda lana mucaarado waxay ahayd hubkii oo galay gacmihii reeraha si mararka qaar ay dowladda dad ka tirsani wax ka ogaayeen. Ma hubbana in madaxda sare ay arrintaa raalli ka ahayd, maadaama ay qiyaasi kareen natiijada ka dhalanaysa, balse waa hubaal in saraakiil sar sare ay ku lug lahayd. Waa khalad kale oo u baahan inaan lasoo celin.

5 – Dhismaha ciidan xirfadleey ah oo madax deggan leh oo aan halis ku ahayn naftooda ama dalka iyo kaydad waafaqsan heerka dunida hubaysan oo lagu kaydiyo hubka. Hubku wuxuu u baahan yahay hayn, dayactir iyo kaydin sax ah, waxaa kale oo muhim ah xasillooni ka jirta goobta uu yaallo. Haddii kale waa bambo waqtiyaysan.

6 – In la dhiso wacyiga shacabka, askariga iyo xitaa DF ee ku fooggan hubka iyo haysigiisa. Sababta keentay inuu hub badani galo gacmaha shacabka kaddib ”kasoo baxooydii” 1978-kii ee deeto keentay samaysanka jabhado aragti gaaban oo reeraysan waxaa ugu wayn dadka oo iska xiisaynayey inay hub qaataan.

Waxaa la arki karey in geel-jirayaashii qafaalka lagu qoray ee qoryahay loo dhiibey uu mid kasta qorigiisii la goostay isagoo aan dareemi karin waxa uu qorigani dalka u hayo haddii uu ku jiro gacan dowladeed.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media