Waa kee dalka qura ee ay mamnuuc tahay in la is FURO marka laga reebo Muslimiinta?

0

(Hadalsame) 04 Dis 2023 – Waxaa jira dunida hal dal oo ay mamnuuc ama sharci darro tahay inay is furaan ama kala tagaan labada lamaane ee is qaba.

Marka laga soo tago Vatican-ka oo si ahaan la siiyo maqaam dal balse aan sidaa loo qaadan, dalka Filibiin waa dalka qura ee adduunka ee furiinku mamnuuc ka yahay dhammaan muwaadiniinta, marka laga reebo Muslimiinta dalkaasi oo aan iyagu dhibkaa qabin.

Dhowr arrimood oo taariikhi ah ayaa loo aanayn karaa sharcigan naadirka ah, gaar ahaan gumaysigii Isbaanishka[1]. Markii Isbaanishku qabsaday Filibiin, furriinka waa la mamnuucay, waxaana guurka loo arkay inuu tahay wax aan la taaban karin oo xurmo wayn leh.

Dalkan oo uu markii dambe qabsaday Maraykanku, wuxuu leeyahay bulsho muxaafid ah oo aad u ilaalisa dhaqankeeda, taasoo keentay sharcigan adag ee ka dhanka ah furriinka oo ay haween badani ku sheegeen mid lagu xakamaynayo xorriyaadkooda madaniga ah.

Tusaale ahaan, waloow uu dalkani yahay mid Masiixi ah misna ilmo iska soo rididdu waa sharci-darro, waxaa sidoo kale adag kahortagga uur-qaadista iyo dhalmada.

Filibiin, sida kaliya ee lagu joojin karo guurka waa baabi’in laga soo qaadayo waxba kama jiraan (annulment), kaasoo isna ah mid aad qaali u ah oo qarreeno u baahan ayna dhif tahay inay kuu fuliyaan garsoorayaasha iyo maxkamadaha dalkaasi.

Farqi wayn ayaa u dhexeeya furriinka iyo baabi’inta guurka, waayo, marka la eego sharciga aadmi-sameega ah, furriinku waa guurkii oo dhammaaday laakiin la aqoonsan yahay inuu beri jirey oo ay labada qofi is qabeen, balse baabi’intu waxay ka dhigan tahay in xitaa meesha laga saarayo inay labada qofi mar is qabeen, marka ugu yaraan wax lagu eegayo indhaha sharciga.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media