DAAWO: Ma dhashay mise ma dhalan? Gool dood ka dhaliyey dunida (Xaqiiqadiisa ka bogo)

0

(Split) 04 Dis 2023 – Kooxda Hadjuk Split ayaa ahayd kooxda ka faa’iidaysatey fursad cajiib ah kulankii ay la ciyaartay Slaven Belupo taasoo ka caawisay inay gacanta ku wada dhigaan saddexda dhibcood.

Kooxahan Croatia oo labada cirif ee iskasoo horjeeda uga kala jira horyaalka Prva Liga ee Croatia ayaa kulmay Sabtigii, taasoo keentay in Split oo hoggaanka haysaa ay ku badiso 2-0.

Daqiiqaddii 14-aad ee ciyaarta ayaa waxaa Split oo marti loo ahaa hoggaanka u dhiibey xiddigga Jairo de Macedo da Silva.

Laakiin ciyaartoyda Belupo oo muddo raadinayey inay barbarreeyaan kooxda Poljud stadium, ayaa moodey inay taas sameeyeen mar ay 20 daqiiqadood harsanaayeen mar uu goolwaluhu soo baxay.

Waxaase dhacday arrin aysan diyaar u ahayn, maadaama uu isku daygii ay ku doonayeen inay goolka ku dhaliyaan uu keenay dhalanteed-arag la yaab leh, taasoo sababtay inay u maleeyaan inay gool dhaliyeen.

Goolhayaha Split ayaa u boodey inuu kubbada badbaadiyo mana cadda inuu taabtay balse kubaddu waxay ku dhacday birta waxaana sii laaday daafaca.

Deeto kooxdii is lahayd wax baad barbarrayseen ayaa loogu labeeyey weerar deg deg ah oo ay qaadday Split.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media