Maxaa ka jira in xulka Soomaaliya uu ku ciyaari doono qaaradda Yurub?

0

(Roma) 04 Dis 2023 – Waxaa su’aashaasi la waydiiyey Guddoomiyaha XSKC, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo haatan ku sugan dalka Talyaaniga oo waraysi bixiyey.

Cali Shiine ayaa sheegay in waloow ay qorshahaa damacsan yihiin si ugu yaraan laacibiinta ku sugan dibeddu ay ula dheelaan xulal Yurub ah aanay weli arrintu bislayn balse ay ku dadaalayaan inay hirgeliyaan.

Guddoomiyaha oo waraysi siinayey Astaan Sports, ayaa sidoo kale xusay inay dhib ku qabaan inay waqti ku filan wada xareeyaan ciyaartooyda Xulka Somalia ee maxalliga ah iyo kuwa ka ciyaara dibedda.

Tusaale, 2dii bilood ee tegey oo xulka lagu xareeyey Tunisia iyo Marooko si ay tababarro ugu qaataan ciyaartooyda dibeddu ma xaadiri karin wax ka badan todobaad intii ay isu diyaarinayeen isreebreebka KA2026 oo ay Somalia ka badiyeen Aljeeriya iyo Uganda.

Guddoomiyaha iyo wefdiga Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Cagta ayaa habeen dambe lagu casuumey daawashada cayaar ka tirsan Coppa Italia oo dhex mari doonta kooxaha SS Lazio vs Genoa, taasoo ka dhici doonta garoonka Olympic Stadium ee magaalada Roma.

Waxaa wehlin doona dhiggiisa Talyaaniga ee Guddoonka FIGC Gabriele Gravina oo ay wada daawan doonaan cayaarta.

Hadalsame Media