”Waxay wataan ajende” – Eritrea oo si dadban farta ugu fiiqday waxa ay Somalia u tarayso qaadista cunaqabataynta hubku + Muuqaal

0

(Casmara) 04 Dis 2023 – Bogga X (ex Twitter) ka samaysan oo ay taageerto Dowladda Eritrea ayaa si wayn usoo dhoweeyey cunaqabataynta hubka ee laga qaaday dalka Somalia kaddib 31 sanadood.

Boggan oo dhiirrigeliya maalgashiga Eritrea ayaa lagusoo qoray hambalyo kooban iyo waxa ay Somalia uga faa’iidaysan karto cunaqabataynta ugu dambayn laga qaaday.

”Waxaan ugu hambalyaynaynaa Soomaaliya oo ugu yaraan laga qaaday cunaqabatayntii hubka kaddib 30+ sano,” ayaa lagu bilaabay qoraalka kooban ee lasoo dhigay Invest In Eritrea.

”Tani waxaa laga yaabaa inay Soomaalida ka caawiso inay xudduudahooda ka laadaan dhammaan jilayaasha ku jira ee wata ajendaha, ayna si buuxda u maamulaan dhulkooda, hawadooda iyo baddooda.” ayaa la raaciyey.

Qoraalka ayaa ayaa waxaa la raaciyey muuqaal hees ah oo lagu taageerayo Somalia taasoo ay af Soomaali ku qaadayaan fannaaniin Eritrean ah oo sheegaya inay Somalia sanado badan silicsanayd.

Yeelkeede, qoraalkan laguma carrabaabin cidda ay tahay dadka ajendaha wata ee ku jira gudaha Somalia.

Hadalsame Media