MW Biden oo ay godkiisa biyo ugusoo galeen & Dabinta lala damacsan yahay

0

(Washington, DC) 04 Dis 2023 – Afhayeenka Aqalka Hoose ee Maraykanka, Mike Johnson, ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in Xsibiga Jamhuuriyiintu ay heli karaan codadka loo baahan yahay si ay u sharciyeeyaan dacwadaha gole joojinta ah ee ka dhanka ah Madaxwayne Joe Biden.

Isagoo la hadlayay Fox News, Johnson wuxuu sheegay in GOP House uu go’aan ka gaari doono in dacwad lagusoo oogo Biden iyadoo ay jiraan eedaymo soo jireen ah oo sheegaya in Biden iyo qoyskiisu ay ka dambeeyeen qorshe sharci darro ah oo ay ugu adeegsadaan saameyntooda siyaasadeed faa’iido dhaqaale markii uu ahaa Madaxwayne Xigeenka.

Johnson, oo la wareegay doorka Afhayeenka Aqalka Wakiillada bishii Oktoobar, wuxuu kaloo sheegtay in Aqalka Cad uu “dhagax ku hor gooyey” baaritaannada ka dhanka ah Biden isagoo kahortegaya marqaatifurka guddiga marqaatiyaha iyo haysiga dokumentiyada muhimka ah.

“Waxaan aaminsan nahay inaan [codayn samayn doono],” ayuu Johnson ku yiri barnaamijka ‘Fox & Friends’ ee barnaamijka wararka, tiiyoo ay garab taagan tahay Guddoomiyaha Shirarka Jamhuuriga ee Aqalka Elise Steganik.

Wuxuu intaas ku daray inuusan rumaysnayn in Dimoqraadiyiintu ay wax taageero ah arrintan ku siin doonaan Jamhuuriga, “laakin waa inay sidaa yeelaan.” ayuu qabaa.

Si kastaba ha noqotee, Johnson wuxuu carrabka ku adkeeyey in dacwooyinka gole joojinta ah aan loo isticmaali doonin inay noqoto xeelad qaawan oo laga leeyahay dano siyaasadeed oo ka dhan ah Biden.

Hadalsame Media