Xanaaqii Haaland oo suuq ka yeeshay internet-ka (Atirisho caan ah oo lagu masaalay)

0

(Manchester) 04 Dis 2023 – Sawirrada xifaaladah ee internet-ka ayaa laga sameeyey qannaaska Erling Haaland kuwaasoo qabsaday baraha bulshada kaddib markii uu ku xanaaqay garsoore Simon Hooper kulankii ay Manchester City ay barbaraha 3-3 la gashay Tottenham.

Haaland waxa uu aad ugu xanaaqay Hooper markii uu dhigay laad xor ah halka Jack Grealish uu goolka u dhowaa xilliyadii dhimashada ciyaarta, isagoo ka faa’iidaysan (avantaggio) xitaa haddii khalad lagu galay Haaland.

Dareenkiisii adkaa markii uu dib ugusoo laabtay Hooper ayaa horraaba noqday sawir caan baxay, oo soo koobaya walaaca shucuureed ee isboortiga, isagoo sidoo kale iftiiminaya xadgudubyada ay la kulmaan garsoorku.

Yeelkeede, baraha bulshada ayaa howshooda qabsaday iyagoo Haaland ka sameeyey kun sawir oo xifaalo ah (memes), midkoodna waa isagoo loo yeelay wejiga haweenay caro ku jisha musalsal caan ka ah Hollywood.

Waxa uu kaasi muujinayaa Haaland wajigiisa caeaysan oo lagu malaasay sawirka Taylor Armstrong ee jisha Real Housewives of Beverly Hills, kaasoo muujinaysa iyadoo qaylinaysa oo farteeda ku fiiqaysa bisad jahawareersan.

Halkan guji oo daawo sawirrada & muuqaallada….

Hadalsame Media