Faa’iidooyinta TIMIRTA lagu radiyo caanaha & Qaabka loo isticmaalo (Shanta ugu shidan?)

0

(Hadalsame) 04 Dis 2023 – Timirtu waxa ay leedahay faa’idooyin badan waxayna caawisaa qaybo badan oo kamid ah jirka aadamaha. Waa il wanaagsan oo laga helo “phenolics” iyo “carotenoids” oo ah walxo jirka kala dagaallama wixii sun ku ah. Waxaa kaloo timirta ka buuxo nafaqooyin ay ka mid yihiin xadiid, potassium, selenium, magnesium, copper, fitamiinnada B, fitamiin C, faybar, barootiin, oo ay la socdaan tamar badan iyo sonkorta dabiiciga ee khudradda miraha ah sida fructose iyo glucose.

Dhinaca kale, caanuhu waxay qani ku yihiin kalsiyaam, fitamiin B-2, xadiid, fitamiin B-12, zinc, phosphorus, potassium, fitamiin A, magnesium iyo fitamiin D. Daraasad ayaa shaacisay in caanaha laga helo ku dhowaad 44 nafaqo oo kala duwan oo ay ka mid yihiin 18 amino acids ah, 9 macdan, 10 fitamiin, dufannada caafimaadka leh, barootiinno iyo Kaarboohaydaraytyo.

Maqaalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa faa’idooyinka caafimaad ee laga helo timirta caanaha lagu radiyay waxaana ka soo xigannay shabakadda Bold Sky ee arrimaha caafimaadka wax ka qorta.

Kordhinta tirada haemoglobin-ta

Macdanta xadiidka (iron) aad ayay muhiim u tahay sababtoo ah waxay jirka ka caawisaa in uu sameeyo barootiinka loo yaqaanno “haemoglobin”. Haemoglobin waa barootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ama guduudan ee jirkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay marka la isku radiyo timirta iyo caanaha kadibna la karkariyo oo la cabbo subax walba caloosha oo maran ay kordhinayso heerka “haemoglobin-ta”. Isku-darkaan waxaa lagula tacaali karaa dhiig yarida.

Waxay faa’iido u leedahay haweenka uurka leh

Daraasad la sameeyay ayaa daahfurtay in timirta lagu dhigo caanaha lo’da ay kor u qaado caafimaadka haweenka uurka leh waxayna siyaabo kala duwan u caawisaa uurjiifka. Sida ay daraasadu tilmaantay, isku-darka timirta iyo caanaha la isku radiyay wuxuu faaido u leeyahay samayska lafaha iyo dhiigga ee uurjiifka.

Waxaad u baahan inaad isku dhigto 5 illaa 6 xabbo oo timir ah iyo caano lo’aad habeenkii kadibna aad subaxda xigta isku shiido adigoo ku daraya far iyo suul hayl budo ah.

La dagaallanka laalaabka maqaarka

Timirta iyo caanaha waxaa ku badan walxaha jirka sunta ka saaro ee loo yaqaanno “antioxidants” kuwaas oo la dagaalama calaamadaha gabowga sida in maqaarku uu laalaab yeesho. Timirtu waxay cusboonaysiisaa unugyada si ay u beddelaan unugyada dhintay ee maqaarka, waxa ay jilcisaa maqaarka waxayna la dagaallantaa laalaabka.

Isku dhig dhowr xabbo oo timir ah iyo caano habeenkii, subaxa xigana cajiin ka dhig, adigoo ku daraya malab. Wajiga mari oo daa muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah, kadibna ka mayr. Sidaan samee hal mar toddobaad kasta.

Kordhinta tamarta

100-kii garaam oo timir ah waxaad ka helaa 15% tamarta aad u baahan tahay maalin kasta, halka caanahu ay ku siinayaan 9.1% tamartii aad baahnayd maalin kasta. Timirta iyo caanaha la isku radiyay waa cunno nafaqo badan oo kor u qaada tamarta iyo awoodda qofka.

Hagaajinta dhalmada

Timirta iyo caanaha lagu dhigay waxay sare u qaadaa dhalmada ragga iyo dumarka. Sababtuna waa walxaha loo yaqaanno “phytochemicals” ee ku jira isku darkaan kuwaas oo hagaajiya dhalmada. Isku-darkani wuxuu kordhiyaa shahwada, wuxuu ilaaliyaa shaqada xiniinyaha, wuxuu caawiyaa samayska ukumaha haweenka oo qaangaaray. Timirta waxa ku jirta maadada daawaysa itaal darada xagga galmada. Isku-darkaani wuxuu waxa uu sare u qaadaa kacsiga ragga iyo dumarka.

Isku dhig dhowr xabbo oo timir iyo caano ari, isku shiid subaxa xiga, adigoo ku darsanaya hayl iyo malab, kadibna cab.

Faa’iidooyinka kale ee lagu sheego timirta iyo caanaha waxaa ka mid ah:

  • Nadiifinta xaakada iyo daaweynta qufaca joogtada ah
  • Daaweynta hurdo la’aanta
  • Kordhinta caanaha hooyada ilmaha nuujisa
  • Wanaajinta shaqada hab-dhiska neerfaha

Daryeel Magazine

Hadalsame Media