Bankiga Adduunka oo sheegay hadal rajo gelinaya Somalia & Arrin uu ka digey

0

(Muqdisho) 04 Dis 2023 – Bangiga Adduunka ayaa sameeyey saadaala dhaqaale oo ku saabsan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo hoos u dhacday sanadkan 2023 ilaa 2.8 boqolkiiba, marka loo eego saadaasha hore ee ahayd 3.6 boqolkiiba.

Bankigu wuxuu qiyaastiisii ugu dambeeysey (tii 8-aad) ee dhaqaalaha Soomaaliya ku sheegay in dalku uu weli u nugul yahay waxyaabo ay ka mid yihiin ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibedda, kala duwanaanshaha ilaha dhaqaalaha oo xaddidan, iyo u nuglaanshaha masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxa uu Bankigu sidoo kale ka hadlay saamaynta ay qulqulka quutul daruuriga gaar ahaan badarka ku yeelatay xiisadda Ruushka iyo Ukraine.

“Bangiga Adduunku waxa uu saadaasha ku sheegay in dhaqaalaha dalku uu samayn doono kobac yar oo ah 2.8 boqolkiiba ah sanadkan 2023. Kobaca la saadaaliyey ee 2023 waxa dib looga gooyey 0.8 boqolkiiba marka la barbar dhigo qiimayntii 2022 dhaqaalaha Soomaaliya (Bangiga Adduunka 2022).”

Dhaqaalaha ayaa la saadaalinayaa inuu kor u kaco muddada dhexe iyadoo dhaqdhaqaaqa dhaqaaluhu uu xoogaysanayo, waxaana la filayaa inuu si tartiib tartiib ah u kordho ilaa 3.7 boqolkiiba iyo 3.9 boqolkiiba sanadaha 2024 iyo 2025, siday u kala horreeyaan.

However, the recovery is still expected to be tempered by the legacy of past shocks, including the drought, disruption of grain supplies from Ukraine, and the global pandemic. These shocks have worsened poverty and triggered the cost-of-living surges.

Si kastaba ha ahaatee, soo kabashada dhaqaalaha ayaa weli la filayaa inay u bandhignaato dhibaatooyin ay ku jiraan abaaraha, carqaladaynta sahayda badarka ee Ukraine, iyo masiibooyinka caalamiga ah sida cudurrada dillaaca.

Xaaladahani waxay xumeeyeen heerka saboolnimada waxayna sare kiciyeen qiimaha nolosha oo waxay dhaliyeen sicir-barar.

DF Somalia ayaan inta badan xitaa sooba hadalqaadin hagaajinta nolosha qofka caadiga ah, sida xakamaynta sicirrada, furfurista dhaqaalaha, shaqo abuurista, tayo-dhowrka iyo tayaynta nolosha.

Hadalsame Media