Waqtiga go’aanka lagu ciqaabayo uu soo baxayo Man City oo la baahiyey (115 dembi oo loo haysto)

0

(London) 30 Nof 2023 – Maxkamaddii kubadda cagta ee qarnigan ayaa go’aankeeda qalinka lagu duugey dabayaaqada sanadka soo socda iyadoo lagu dhawaaqi karo bartamaha 2025.

Mail Sport waxa ay fahamsan tahay in  Premier League iyo Manchester Cityy ay ku heshiiyeen taariikhda ay kooxdani ku wajihi doonaan guddi madaxbannaan oo lagu dhegeysan karo dhageysigii ugu waynaa taariikhda tartanka.

EPL ayaa waxa ay ku soo oogtey horyaallada Citizens ilaa 115 eedood oo la xiriira jebinta xeerarka maaliyadeed bishii Febraayo kaddib markii ay fureen baaritaan 2018-kii.

Hadii ay maxkamadu ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay, waxa ay u badan tahay in xukunku dhaco xagaaga 2025-ka.

Taariikhda go’aanka ayaa markii hore loo qorsheeyey deyrta soo aaddan ee 2024.

Man City ayaa lagu eedeeyay inay jebisey 115 xeer muddo 14 xilli-ciyaareed ah laga soo bilaabo 2009-10 wixii ka dambeeyey.

Everton ayaa lagu soo oogey dacwad ku saabsan inay jebisay sharciga dhaqaale wanaagga bishii Maarso, bil kaddib markii lagu dhawaaqay eedeymaha City, waxaana horraantii bishan Nof laga jaray 10 dhibcood, taasoo ay racfaan ka qaadatay.

Hadalsame Media