”Waa wax laga xishoodo” – Dal NATO ka tirsan oo balaayiin Doollar ka macaashay dagaalka Ukraine & Siyaasiyiin ka xumaaday

0

(Hadalsame) 30 Nof 2023Dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa lagu eedeeyey inay dagaalka Ukraine uga faa’iidaysteen siyaabo kala duwan oo dhaqaale iyo istaraatiji ahaanba iskugu jira.

Norway ayaa ka mid ah oo sannadkii hore laga dareemay sare u kaca dakhliga saliidda iyo gaaska kaddib markii iskahorimaadka Ukraine uu qaaliyeeyey qiimaha tamarta, sida uu telefishanka dadwaynaha ee NRK uu sheegay.

Sida laga soo xigtey kanaalka, oo soo xiganaya hay’adda cilmi-baarista ee NHH, Norway waxay heshay adduun dhan 334 bilyan oo kroner ($ 31.3 bilyan oo Doollar) marka la eego xisaab-xirka dakhliyada dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee 2022-kii, iyadoo ay jirto carqalad wayn oo ku timid sahayda gaaska dhuumaha Ruushka.

“Waxaan ogaanney in qiimaha dhuxul-dhagaxda iyo saadka shidaalka Ruushka ee yaraaday ay sharraxayaan inta badan isbedbedelka qiimaha gaaska dabiiciga ah ee Norway 2022,” ayay qoreen cilmi-baarayaasha NHH.

Tirakoobkani wuxuu ka dhignaa 27% dakhliga dhoofinta gaaska Norway sanadka 2022-kii, Waxayna tilmaantay in sanadkii 2022 uu ahaa sanad rikoor jebis ah marka loo eego dakhliga kasoo xarooday gaaska Norway.

“Waa tiro aad u badan oo waalli ah,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Degaanka Norway, Arild Hermstad, sida uu soo xigtey NRK.

“Waa wax laga xumaado in Norway ay ka faa’iidaysato nasiib-darrada dadka kale. Dawladdu waxay wax laga xishoodo ka dhigaysaa in Norwegian la noqdo.” ayuu raaciyey, isagoo ka mid ah siyaasiyiin badan oo dalkaa u dhashay oo tilmaamay in akhlaaqiyan aysan fiicnayn in laga macaasho dhibaatada dadka kale.

Hadalsame Media