QM oo cunaqabataynta hubka ka qaadi karta Somalia (3 khatarood oo jira)

0

(Hadalsame) 30 Nof 2023 – Shirka Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya ka qaado cunaqabateynta hubka.

Tilaabadaan taariikhiga ah waxay Soomaaliya siinaysaa fursad muhiim ah oo ay ku xoojiso ciidamadeeda, kordhinta awooddeeda iyo in dalku galo heshiisyo amni. Sidoo kale waxaa ka mid ah fursada in ay soo Somalia iibsadaan hub ay ku qalabeeyaan cududdooda ciidan hub culus iyo mid fududba. Hambalyo Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, qaadista cunaqabateynta hubka ayaa la socota khataro ka dhalan kara oo madaxda dalka ay si fiican uga warqabaan:

1. Waxaa jirta khatar ah in hubku uu gacanta u gali Karo kooxaha aan dowliga ahayn sida Al-Shabaab oo kale, kuwaas oo laga yaabo in ay uga faa’iidaystaan falal sharci darro ah kan soo horjeeda rabitaanka nidaamka dowliga ah.

2. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan laheyn talis mideysan,Tusaale Darawishta Mamul goboleedyada oo ku xirnayn taktiska dhexe,taas oo keeni karta in la kala qeybiyo ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa gobolada kala duwan iyagoo ku qalabaysan hubka culus.

3. Dowladda Soomaaliya waxay hadda la daalaa dhacaysaa sidii ay si hufan u maareyn lahayd xudduudaha dalka, iyadoo khatar ku ah ka ganacsiga hubka ee xuduudaha, waxaana suuragal ah inay xumeyso xiriirka dalalka deriska ah.

Wax ka qabashada caqabadahan waxay u baahan tahay siyaasad dhamaystiran oo ku saabsan ilaalinta iyo qaybinta hubka, taas oo ku lug leh iskaashiga ciidamada ee gobollada kala duwan. Intaa waxaa dheer, waxaa jirta baahi loo qabo qarameynta hubka aan maanta hoos imaan dowladda.

Si loo xaqiijiyo midnimada iyo horumarinta kaabayaasha tayada, madaxdu waa in ay ka fogaadaan falalka dib u dhaca keeni kara, Isqabqabsiga siyaasadeed ee aan ku dhisnayn dan qaran , iyaga oo la jaanqaadaya waxqabadkooda aragti cad oo mustaqbalka ah.

Waxaan ku ammaanayaa dowladda Soomaaliya guushan taariikhiga ah ee ay gaartay.

Guusha Soomaaliya waxay ka dhigan tahay wax ka badan dhacdo taariikhi ah oo kaliya mana ahan guul shaqsi kaliya ee waa guul u soo hoyatay guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

W; Q: Axmed Kaboole

Hadalsame Media