Milan oo go’aan ka gaartey Pioli (Milkiilaha oo si kedis ah u tegey Milanello tegey & Macallin kale oo…)

0

(Milano) 30 Nof 2023 – Waxaa ​​shalay Milanello kulan ku yeeshay milkiilaha AC Milan ee Gerry Cardinale – kaasoo aan laga filayn imaanshiyaha Carnago – waxaana uu dib usoo cusboonaysiiyey kalsoonida buuxda ee uu ku qabo Stefano Pioli iyo la shaqayntiisa, kaasoo dab ku taagnaa kaddib guuldarradii habeenkii Talaadada ee San Siro ee ay 3-1 ku dubatey Borussia Dortmund.

Cardinale ayaase laakiin waxa uu rabaa inuu arko isbedel ka dhaca natiijooyinka horyaalka. Ujeedadu se waa sidii hore: Milan waa inay ku guulaysataa mid noqoshada afarta boos ee ugu sarraysa ee kala saraynta Serie A si ay ugu soo baxdo koobka xiga ee Champions League.

SABABTA LOO DAAYEY? Maamulka Milan ayaa aaminsan in dhibka jira uusan ahayn Pioli oo qura, iyadoo Gazzetta dello Sport uu qorayo in xisaabta lagu daray dhaawacyada kooxda la degey ee u badan murqaha.

Waxaa waxyaabaha lagu fikirayo ka mid ah “beddelka dhakhaatiirta, tababarayaasha, diyaariyeyaasha atleetikada kooxda iyo daaweeyayaasha jimicsiga, oo kooxda kala tacaali waayey dhibaatooyinka jireed ee is taraya” ayuu qoray Gazzetta.

Dhanka kale, sida laga soo xigtey Nicolo Schira, halyeeygii hore ee Andriy Shevchenko ayaa magaciisa loosoo gudbiyey qaar ka mid ah maamulka Milan, isagoo tababare kooxda u noqon lahaa ilaa Juunyo si KMG ah, si loo cayriyey Pioli.

Si kastaba ha ahaatee, qorshihiisu si buuxda uma qancin maamulka Milan. Schira wuxuu ku daray xusuusin ah in Milan ay qandaraas ku kacaya € 4.2m sanadkiiba ay kula jirto macallinka Pioli kaasoo dhacaya 2025 sidaas darteedna laga rabo inay lacagtaa bixiyaan.

Hadalsame Media