Hal rajo oo usoo bidhaantay Muslimiinta Holland kaddib guushii cunsuriga Geert Wilders (Maxaa dhacay?)

0
THE HAGUE, NETHERLANDS - NOVEMBER 23: Geert Wilders, the leader of the Dutch Party for Freedom (PVV), celebrates in his party office after his party's victory in yesterday's general election, on November 23, 2023 in The Hague, Netherlands. The Netherlands' far-right, anti-EU leader Geert Wilders won the most votes in parliamentary elections on November 22, dominated by debate around rising immigration in the Netherlands. (Photo by Carl Court/Getty Images)

(Hague) 29 Nof 2023 – Yurub ayaa laga yaabaa inay dhOwaan yeelato Ra’iisul Wasaare cusub oo midigta fog u janjeera, kaddib guushii Geert Wilders oo ah nin Islaamka iyo Shisheeyaba aad u neceb oo haatan noqday ninka ugu kuraasi badan Baarlamanka Holland, waloow uusan aqbaliyad haynin.

Xisbigiisa Freedom waxa uu 37 kursi ku helay 150-ka kursi ee sharci-dejinta dalkaasi, waana kan ugu wayn isagoo si aad ah uga horreeya xisbiga Raysal Wasaaraha xilka ka degaya ee Mark Rutte (helay 24 kursi) iyo isbahaysiga garabka bidix ee Labour-Green (25 kursi). Halkan kasii aqri….

MAXAA XIGI KARA?

Wilders ayay tahay inuu helo isbahaysi oo si wadajir ah dowlad ula dhisa si uu u helo codka kalsoonida baarlamaanka dalkaaso oo uu usoo dhiso xukuumad cusub.

Haddii ay taasi dhacdo, waxa uu noqon doonaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee midigta fog ah ee Yurub maamula tan iyo markii ay talada qabatay Georgia Meloni oo iminka ah RW Talyaaniga.

Waxaase jirta hal ifafaale oo rajo gelinaya dadka soo galootiga ah ee wadnaha farta ku haya. Awoodda siyaasaddu waxay yara bedeshaa mawaaqifta xag-jirka u muuqda marka hore ee siyaasiyiinta midigta fog oo malaha fan-hadalka shisheeye nacaybka ah u adeegsada inay rakada ku koraan.

RW Meloni, oo sidoo kale ah siyaasi kasoo horjeeda soo-galootiga, aad uga shakisan Midowga Yurub (Eurosceptic), ayaa meesha ka saartay cabsidii laga qabay inay carqaladayso masraxa siyaasadda Yurub, waxayna xitaa sii wadday taageerada xooggan ee madaxdii ka horreeysay ee bidixda ahayd ay siinayeen Ukraine.

“[Wilders] isna waxa uu hoos u dhigay qaabkii uu u wajahayey Muslimiinta intii lagu jirey ololihii doorashada iyo kahor. Tusaalaha Georgia Meloni ee Talyaaniga ayaana muujinaya in siyaasiyiinta aragti ahaan lagu tilmaamo kuwa garabka midig ahi ay si fudud uga tegi karaan xag-jirnimada islamarka la doorto.

Dabcan, waxaa sidoo kale jira kiisas kale oo la mid ah sida [Ra’iisul Wasaare Viktor] Orban oo ka taliya dalka Hungary.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media