Maxaa tababarka ku kala qabsaday macallin Arteta & Kabtankiisa Odegaard? (Daawo)

0

(London) 29 Nof 2023 – Macallinka Mikel Arteta ayaa wuxuu jecel yahay inuu ciyaartooydiisa Arsenal ku camirto, mana jirto waddo ka fiican oo uu taas ku sameeyo oo aan ka ahayn inuu muujiyo inuu weli leeyahay farsamadii laacibnimada.

Tababarka kooxda waxa uu ku helay kabtanka Martin Odegaard oo noqday dhibbanihiisii ugu dambeeyey iyadoo Arteta uusan wax naxariis ah u muujin kabtankiisa.

Arteta oo usoo ciyaaray Arsenal iyo Everton ciyaartooy ahaan ayaa kubbada helay wuxuuna si dhib yar tuunneer uga saaray Odegaard.

Arteta oo malaha rumaysan kari waayey inuu tuunneer ka saaray mid ka mid ah xiddigihiisa ayaa u orday dabaaldeg, taasoo ka yaabisay ciyaartooydiisa.

Yeelkeede, wuxuu dib ugusoo laabtay Odegaard oo uu hab siiyey, Arteta ayaa markaas sii waday dabaaldegiisa isagoo isku deyaya dabaaldega caanka ah ee ‘Siuu’ ee Cristiano Ronaldo.

Hadalsame Media