DAAWO: Xisbi cunsuri ah oo qarka u saaran inuu ku guulaysto doorashada Holland (Maxaa ku dhici kara Soomaalida & Muslimiinta?)

0

(Hadalsame) 24 Nof 2023 – Xisbiga garabka midig ee Freedom (PVV) ayaa hoggaanka u haya doorashada guud ee Nederland, isagoo ku ”guulaystey” 37 kursi baarlamaan marka loo eego isbahaysiga Green-Labour’s oo helay 25.

Haddii natiijadan aysan waxba iska bedelin, PVV waxay kusoo bixi doonaan xisbiga ugu wayn baarlamaanka. Xisbigani wuxuu ku guulaystey 17 kursi doorashadii guud ee 2021-kii, isagoo lumiyey qaar ka mid ah codadka dadka garabka midig oo u codeeyey Madasha Dimuqraadiyadda (FvD) ee markaas sare u kacay.

Si kastaba ha ahaatee, ra’yi ururintii Arbacadii ayaa muujisay in xisbiga FvD inay ku socoto wadadii ay ku lumin lahayd 5 ka mid ah siddeeddeeddii kursi ee ay heleen 2021-kii.

Hogaamiyaha xisbiga PVV ee Geert Wilders oo 60-jir ah ayaa horay u daabacay muuqaal isagoo dabaaldegaya, isagoo ku dhawaaqaya tirada “sodon iyo shan!” iyadoo xilligaa natiijo saadaal ahayd lagu baahiyey shabakadda NOS ee Nederlaand.

Wilders ayaa ah nin aad u neceb Muslimiinta waxaana siyaasaddiisa ka mid ah in la xiro masaajidda, madarasooyinka islamarkaana la joojiyo qaabilitaanka Muslimiinta.

Waxay guushiisu soo jiidatey axsaabta cunsuriga ah ee Yurub waxaana soo dhoweeyey Marie Le Pen oo xukunta National Front-ka Faransiiska.

Rajada qur ihi waqti xaadirkan waa in Wilders uusan dhaafi karin 37 kursi taasoo aan siinayn aqlabiyad uu dalkaa ku xukumo, sidoo kalena, xisbiyada kale ee dalkaasi diyaar uma aha inay la shaqeeyaan.

Waayo, xisbigan cunsuriga ah ayaa u baahan ilaa 76 kursi oo ka mid ah 150-kursi oo baarlamanku ka kooban yahay.

Hadalsame Media