Funaanadihii Leo Messi uu ku ciyaaray KA2022 oo lagu xaraashay lacag rikoodh ah

0

(Hadalsame) 24 Nof 2023 – Funaanaddii uu Lionel Messi u xirtay final-kii Koobka Adduunka 2022 ayaa ka mid ah funaanado Argentina lagu xaraashayo weliba lacag ku dhowaad rikoodh jebis ah oo ah adduun dhan £8 milyan oo ginni.

Waxaa ciyaartaa rigoorayaal ku qaaday xulka Argentina oo ka calaf roonaaday  France si ay koobka u qaadaan markoodii 3-aad, waxaana haatan agabkii lagu ciyaaray qaarkood xaraashaysa shirkadda Sotheby’s ee magaalada New York, iyada oo qayb kamid ah dakhliga kasoo xarooda ay u baxayso sadaqo ahaan.

Funaanadaha la xaraashayo oo 6 gaaraya ayaa waxaa lagu kala ciyaaray qaybta hore ee ciyaartii final-ka, semi-finalkii oo ay la ciyaarayaan Croatia, wareegga 8da ay wajaheen Netherlands, iyo wareega 16-ka oo ay la ciyaarayeen Australia, iyo labo ka mid ah seddexdii kulan ee heerka group-yada, iyadoo qiimaha lagu qiyaasay ugu yaraan $10m oo Doollar (£8m).

Taasi waxay rikoodh cusub ka dhigi doontaa dib u xaraashka ‘agabyada xusuusta ee la xiriira ciyaaraha’.

Yeelkeede, rikoodhka hadda ee agabyada xusuusta ee ciyaaraha waxaa weli haysata maaliyaddii Michael Jordan ee kooxdiisii Chicago Bulls ee uu 1998 ku dheeley NBA Finals Game 1 – xilli ciyaareedkii caanka ahaa ee ‘‘Last Dance’ – taasoo lagu iibiyey £8.1 milyan oo gini bishii Sebtembar ee sannadkii hore waxaana xaraashtay isla Sotheby’s New York.

Hadalsame Media