Muran ka taagan arrin xalay ka dhacday ciyaartii AC Milan vs Fiorentina (Daawo)

0

(Milano) 26 Nof 2023 – Daqiiqadii ugu horreeysey ee waqtiga yar ee beerdarada lagu daray qaybta hore. Jovic ayuu wuxuu baas jidka ugu daray Theo Hernandez, waxaase wiilka Faransiiska orodkii ka dhabjiyey Parisi oo ahaa daafaca ugu dambeeyey waxaana Milan loo dhigay rigoore.

Yeelkeede, garsoorihii ciyaarta ee Marco Di Bello waxaa uu taagey kaarka jaallaha ah kaasoo uu ku raacay Mazzoleni oo fadhiyey VAR.

Marka se la eego sharciga ciyaarta. Khalada uu sameeyey ciyaaryahankan Viola wuxuu ahaa mid ka dhacay meel aanay cidina ka dambayn, sidaa darteed waa roose qallalan, maadaama uu carqaladeeyey fursad gool laga filan karey cid kalena aanay ka dambayn.

Waxaa kasii daran khaladkii daafaca Milan ee Malick Thiaw uu ka galay Moise Kean (Milan-Juventus, 22 Oktoobar) wuxuu weliba kaasi shan iyo labaatan mitir u jirey goolka waxaase laacibka Milan lagu saaray casaan toos ah oo muran la’aan ah.

Markaa ma cadda sababta Parisi midka uu ka galay Theo oo weliba aad uga dhowi uusan roose u ahayn? Tani waa farqi cad oo u dhexeeya sida ay garsoorayaashu u fasirayaan sharciga marka lala xaalayo hal arrin oo ay tahay inay isku xukun ahaato.

Hadalsame Media