Milkiilayaasha Man United oo lacag ka badan midda ay ciyaartooydeedu qaataan ku bixisa si loo iibsado (Waa imisa?)

0

(Manchester) 26 Nof 2023 – Qoyska Glazer ayaa waxa ay ku kharash gareeyaan £250,000 todobaadkii dhanka sharciga iyo la talinta si ay u iibiyaan saami ka tirsan kooxda.

Waxay doonayaan inay qayb ka mid ah Manchester United ka gadaal Sir Jim Ratcliffe –  iyagoo todobaadkii bixiya in ka badan lacagta ay todobaadkii siiyaan kabtanka kooxda ee Bruno Fernandes.

Qorshahan ayaa kooxda ugu kacaya lacag u dhiganta £1 milyan ginni bishii.

Xisaabaadka naadiga ayaa shaaca ka qaaday in todobadii bilood ee ugu horreeyey ee geeddi socodka iibka, intii u dhaxaysey Nofeembar 2022 iyo Juun ee sanadkan, ay United bixisay £7m oo ay siisay qarreenno beec u raadinaya kooxda.

Milkiilayaasha United ayaa ijaartey hay’adda fadhigeedu yahay Maraykanka ee Raine Group muddo 12 bilood kahor ah si ay u iibsade ula raadiyaan.

Hay’addan sharci ayaa ayaa tan iyo markaas kasbatay in ka badan ciyaartooy badan oo kooxda koowaad u safta.

Heshiis lagu doonayo in Sir Jim Ratcliffe uu kooxda ka iibsado 25 boqolkiiba saami dhan ayaa maray heerarkii ugu dambeeyey ee dhammaystirka.

Hadalsame Media