Wiil Oromo ah oo kashifay ujeedka ay Oromadu ka leedahay dhulka Soomaalida (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 26 Nof 2023 – Waxaa maalin dhowayd magaalada Hargaysa lagusoo dhoweeyey oday-dhaqameeyada Oromada qaarkood kuwaasoo iyagoo ka faa’iidaysanaya colaadaha yar yar ee Soomaalida doonaya inay fushadaan ajende qarniyo jirey oo ay aaminsan yihiin.

Odayada Hargaysa tegey oo ku doodaya inay is xigaan qaybo ka mid ah Soomaalida ayaa sheegay inay taageerayaan Maamulka Somaliland oo sanadkan inta badan dagaal kula jirey Maamulka SSC oo sheegay inaysan doonayn ka mid ahaanshiyaha Somaliland oo horay ugu dhawaaqay inay ka go’een Somaliland, waloow aan la aqoonsan.

Halkan hoose waxaa ku jira cod lagasoo qaaday muuqaal hore oo muujinaya aragtida Oromada oo taariikhiyan sheegata dhul badan oo Soomaaliyeed oo ay ku doodaan inay awal iyagu lahaan jireen, waxaana haatan aragtidooda la socota fan-hadal iyo istaraatijiyad siyaasadeed oo uu hor boodayo RW Abiy Ahmed oo ah ninkii ugu horreeyey ee Oromo ah ee abid xukuma Itoobiya.

Codka ninkan, waloow uusan siyaasi ahayn, misna wuxuu caddaynayaa wax siyaasad ka mug wayn oo ah himilo shacbawi ah oo qoto dheer, waxaana ku jirta in Soomaalida la dhexgalo, la guursado, afkeeda la barto kaddibna laga fushado ajendaha dhul raadiska ah.

”Waxaan doonaynaa inaan Somalia oo idi qabsanno.” ayuu marar badan ku celcelinayaa ninkan oo sheegay inuu deggan yahay magaalada Boosaaso, isagoo la hadlaya wiil reer woqooyi ah oo isna si wanaagsan ugu sheegay in si kasta oo ay Soomaalidu isu hayso ay misna tahay hal ummad oo aan ogolayn in tafaraaruqa looga faa’iidaysto.

Ninkan ayaa si aan caqli badani ka muuqan u caddaynaya ujeedkiisa isagoo weliba rajaynaya in Soomaali kale uu taa ka dhegeysto oo ka aqbalo, isagoo ku beer-dulucsanaya inay isaga is xigaan oo aysan is lahayn Soomaalida koonfurta oo uu ku tilmaamay ”dad uraya”, sida uu yiri.

Si kastaba, ma jiro tirakoob iyo qorshe qaran oo isku xiran oo sheegi kara tirada dadka Oromada ah ee qorshahan xambaarsan ee haatan ku sugan dhulka Soomaaliya iyo guud ahaan kan Soomaaliyeed ee aan haatan ka tirsanayn Soomaaliya.

Wuxuu ninkani ku doodayaa inay Itoobiya joogto Soomaalidu, balse waxaa jira farqi u dhexeeya Soomaaliga tegey Itoobiya ee halkaa nolosha ama ammaanka u raadsadey iyo qof wata ujeed ku salaysan dhul doon iyo is ballaarin qoowmi ah.

Hadalsame Media