Halista isticmaalka Caleenta Shaaha ee ku sijilan bacaha yar yar (Maxaa dhacaya marka aad biyo kulul ku riddo?)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2023 – Warqadda caleenta lagu soo shubo ee shaaha la dhex dhigo khatar caafimaad miyay leedahay?

Dabcan caleenta bacaha yaryar ku jirta waxay kuu badbaadisaa waqti badan, si fudud, biyo kulul ayaad u dhex dhigaysaa shaahaagiina sidaas ayuu diyaar kuugu yahay, balse ma ogtahay halisteeda caafimaad?

Daraasad ay samaysay jaamacadda McGill ee ku taalla wadanka Canada ayaa lagu sheegay in bacaha caleenta shaaha ee ka samaysan maadada “Nylon” ay khatar ku tahay caafimaadka.

Warqadaha caleenta lagu soo riday ee shaaha la dhex dhigo qaarkood waxaa laga sameeyaa maadada “Nylon” oo ah caag la warshadeeyay, taas oo ku milanta shaaha marka uu aad u kulul yahay, waana kiimiko caafimaadka u daran.

Warqadda caleenta lagu soo shubay waxaa ku jirta maaddo la yidhaahdo “Epichlorohydrin” oo ay shirkadaha badankood ku sameeyaan warqadaha shaaha si ay uga ilaaliso in warqadda ku dhex baaba’do shaaha, taasna horay ayaa loo ogaa, laakiin waxa hadda soo kordhay waa inay maadadaas caafimaadka u daran tahay sida ay sheegtay hay’adda CDC ee Maraykanka. Waxaa la aaminsan yahay in maadadani ay dhibaato u geysato difaaca jidhka iyo bacrinimada.

Kadib markii ay soo baxday daraasaddan, dalal badan ayaa mamnuucay bacaha shaaha ee ka samaysan maadada nylon-ta.

Talo kugu habboon

Maadaama dalkeennu aanu lahayn hay’ado u xilsaaran koontaroolidda badeecadaha dalka soo gala ama hay’ad caafimaad oo baarta tayada cunnada naloo keeno waxaan ku talinaynaa in lagu dedaalo caleenta dabiiciga ah ee shaaha lagu karsado.

Ogoow markasta caafimaad ahaan waxaa fiican in la isticmaalo caleenta shaaha ee dabiiciga ah ee biyaha lagu karkariyo halkii laga isticmaali lahaa  midda lagu soo shubay bacaha yar yar ee biyaha kulul la dhex dhigo.

Haddii aanad ka maarmi karin caleenta bacaha yar yar lagu soo riday, isticmaal caleenta bacdana iska tuur oo ha dhex dhigin biyaha kulul ee aad koobka ku soo shubatay.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media