Gabar Soomaaliyeed oo dhacdo aan loo qaadan karin kala kulantay garoon ka mid ah kuwa ugu wayn caalamka

0

(Hadalsame) 22 Nof 2023 – Shaqaalaha ammaanka ee garoonka Heathrow ayaa lagu eedeeyay ‘dhac maalin cad ah’ kadib markii rooseetooyin qiimohoodu gaarayo ku dhawaad 100 doollar [£90] laga dhacay haweeneyda, iyadoo ay ahaayeen kuwa loo yaqaanno Estée Lauder lipsticks.

Haddaba maxaa ka run ah waxa ka dhaca suuliyada ama musqulaha garoonkan diyaaradeed xilliyada ay socdaan howlaha duulimaadyada? Garoonka Heathrow ayaa waxa lagu hayaa hantida lala wareegayo ammaanka muddo bilo ah.

garoonka diyaaradaha ayaa la geliyay waqti yar is qabqasbi ah kadib markii shaqaaluhu ay qaateen alaabahan lagu quruxsado dibnaha ee ay lahayd haweeney rakaab ah, iyagoo ku andacoonaya in ay yihiin dareeree islamarkaan aaan lala safri Karin.

Dadka baara alaabaha ee ugu dambeyn fasaxa sameeya ayaa qaylo dhaan ku qaaday shaqaalaha garoonka Heathrow kadib markii shaqaaluhu ay la wareegeen alaabahan dumarka.

Shadia Black, oo ah gabdh Somali Switzerland ah ayaa waxay London ku qaadatay laba maalmood iyadoo wadata shandad ama boorso gacmeed, waxayna maraysay Heathrow Terminal Two markii ay shaqaaluhu joojiyeen.

Waa ardayad sharciga barata iyo model ama dadka wax xayeesiiya, waxaa la sheegay in shaqaaluhu markii hore ay rabeen in ay la wareegaan cadarkeeda iyo alaabaha yaryar ee dumarka ay boorsada gacanta ku qaataan kuwaas oo qiime ahaan gaaraya in kabadan 250 doollar [£250] ka hor inta aysan diidin qaadashada saddex ka mid ah rooseetooyinka aan la isticmaalin oo qiimahoodu dhan yahay ku dhawaad boqol doollar [£90.]

Shadia ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in ay ‘aad uga carootay’, sida loo baaray iyo waayo aragnimadeeda ku aaddan baaritaannada safarrada, gaar ahaan sida website-ka garoonka Heathrow uu qeexay ee in rooseetooyinka dibnaha ee adag aan loo tixgelin dareere.

Shadia
Shadia

Waxay tiri “Shandadaydii bay dhinac u qaadeen oo wax walba fiiriyeen oo waxay qaateen cadar iyo alaab kale oo wejiga lagu dhaqo.

“Waxay bilaabeen in ay bac cad geliyaan dhammaan rooseetooyinka bishimaha. Waxay yiraahdeen waa dareere. Waxay si xun u adeegsanayaan booska ay ku shaqeynayaan. Ma aysan tuurin alaabta iyagaa dhinac iska dhigtay. ‘waxa ay ku shaqeynayeen xeerar aan macquul ahayn, aniguna ma aanan jecleysan sida ay wax u wadeen iyo maamulka shaqaalahaba, aad baan u xanaaqay”.

Shaadiya waxay sheegtay in ay ka tagtay saddexda rooseetooyinkeeda ah oo yaalla meel ammaan ah oo ka tirsan garoonka, sababtoo ah waxa ay diiddaneynd in ay seegto duulimaadkeeda ama ay diyaaraddu ka tago.

“waligey sidaas uma xanaaqin, waa in maamulka garoonka ay sidan wax ka beddelaan”.

Waxa ay ka dhawaajisay in shaqaalaha garoonka ay si dadban dadka u dhacayaan.

Shadia iyo shaqaalaha garoonka Heathrow
Shadia

“Waxay kuu sheegayaan in dareere badan u uku niro boorsadaada, kadibna wey qaadayaan oo meel bey dhigayaan, qashinka kuma darayaan” ayey sii raacisay.

Dhinaca aaladda, TikTok, oo ay kaga faallootay waxa dhex maray iyada iyo shaqaalaha, iyo sida ugu dambeyn alaabteeda loogu gacan geliyay laamaha ammaanka taas oo fududeysay in ugu dambeyn ay safarkeeda sii wadato.

Inta badan garoomada caalamiga ayaa lagu arkaa in dadka socdaalaya ay cabasho ka muujinayaan alaabaha laga reebo xilliyada ay safarka yihiin iyadoo loo sheego in ay mamnuuc tahay in boorsada gacanta lagu qabsado.

Kameradaha qarsoon ayaa soo qabta qaar kamida shaqaalaha garoomada iyagoo si aan la arki Karin alaabo uga baxsanaya boorsooyinka ay rakaabku leeyihiin.

BBC

Hadalsame Media