Ruushka oo ka fikiraya inuu ka wareego Yurub oo u wareego Aasiga (Qaabkee?)

0

(Moscow) 21 Nof 2023 – Xiriirka Kubadda Cagta Ruushka (RFU) ayaa go’aan ka gaari doona suurtagalnimada inay iskaga guuraan Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) una wareegaan Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya (AFC) dhammaadka Diseembar, sida uu sheegay Guddoomiyaha Xir. Ruushka, Aleksandr Dyukov.

RFU ayaa ka fiiirsanaysa tillaabadan maadaama kooxaha Ruushku ay awoodi waayeen inay ka qaybgalaan tartamada waawayn tan iyo bishii Febraayo 2022-kii, kaddib markii FIFA iyo UEFA ay soo rogeen ganaax aan xad lahayn, iyagoo ka jawaabaya duullaanka millateri ee Moscow ee Ukraine.

Isagoo la hadlayey saxaafadda, Dyukov wuxuu yiri “wadahadallada UEFA ayaa socda. Waxaanse haysannaa ikhtiyaar, kaasoo aan ka wada hadli doono qaybta hore ee Diseembar xilliga shirka Guddiga Fulinta, halkaasoo aan ka fiirsan doonno u wareejista suurtagalka ah ee Aasiya. ”

Dyukov ayaa markii ugu horreeysey hawada soo geliyey fikradda ah inay u guuraan AFC bishii Nofeembar 2022-kii, isagoo ka jawaabayey cunaqabataynta saaran kooxaha Ruushka.

Bishii xigtey, RFU waxay abuurtay koox howleed si ay ula shaqeeyaan xiriirrada kale, u wareegidda Bariga xilligaa waa la hakiyey.

Dyukov ayaa yiri Sebtembar sheegay inay doonayaan inay u wareegaan Xiriirka Aasiya si ay ula ciyaari karaan dalalka Aasiya, balse waxaa loo baahan yahay fasax aan rasmi ahayn oo ka yimaada UEFA.

Hadalsame Media