”War muxuu sheegay?” – Ronaldo & Bernardo Silva oo lagu qabtay iyagoo yasaya hadalka Bruno Fernandes (Daawo)

0

(Lisbon) 22 Nof 2023 – Cristiano Ronaldo iyo Bernardo Silva ayaa falcelin qosol leh ka bixiyey hadalka Bruno Fernandes ee waqtigii nasashada uu kooxda ku dhiirrigeliney dusmada garoonka intii lagu jirey kulankii Portugal ay 2-0 kaga badiyeen Iceland.

Kooxda Roberto Martinez ayaa guul dirqi ah gaartey habeennimadii Axaddii iyagoo toban guulood ka tirsaday tobankii kulan ee ay ciyaareen ololahooda is reeb-reebka Euro 2024.

Inkasta oo laga yaabo in xiddigaha xulka qaranka Portugal ay kasoo muuqdeen garoonka dhexdiisa iyagoo u muuqdey kuwo faraxsan, haddana ciyaarta kaddib waxaa cinwaannada qabsaday arrintan.

Intii lagu guda jirey kaambiyadii ciyaarta, kabtanka United ee Fernandes ayaa u muuqdey mid la hadlaya ciyaartooyda si uu awaamiir iyo talooyin u siiyo, balse qof kasta lama dhacsanayn hadalkiisa, xilli ay sugayeen inay garoonka soo galaan qaybtii labaad.

Ronaldo iyo Bernando Silva ayaa laga dhex arki karaa muuqaal markii dambe kasoo muuqday X, iyagoo dhegaysanaya hadalka kabtanka, balse inta is eegeen ku dhufanaya qosol kajan ah oo u qaab eg ”war wuxu muxuu sheegayaa?”.

Hadalsame Media