Magacyada dalalka waawayn ee sida hoose u diiddan in Ukraine lagu daro Midowga Yurub oo la ”kashifay”

0

(Brussels) 19 Nof 2023 – Dhowr waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa laga yaabaa inay iska caabiyaan soo jeedinta ku biiritaanka Ukraine ee midowgan, sida ay warbaahinta EUObserver ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa ilo diblomaasi aan la magacaabin balse wargal ah.

Ka mid noqoshada suurtagalka ah ee Kiev ee Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in 27-ka hoggaamiye ee Midowga Yurub ay kaga wada hadlaan shir-madaxeedka Brussels ka dhacaya bisha Diseembar, kaddib markii Guddiga Midowga Yurub ee maamulka hayaa uu ku taliyey bishan in wadahadallada xubinnimada Ukraine la bilaabo.

Yeelkeede, iyada oo Golaha Yurub si kastaba la filayo inuu dib u dhigo qorshahan, misna calaamaduhu waxay muujinayaan in geeddi-socodkan laga yaabo inay dib u riixayaan dhowr waddan oo muhim ah, EUObserver ayaa sidaas ku sheegtay warbixinteeda.

“Waa hubaal, Austria waxay caqabad ku noqon doontaa [xubinnimada Ukraine], laakiin waxay ku dhuuman doontaa dhabarka Hungary oo mowqifkeedu cad yahay,” ayay tiri warbixintu, iyada oo tixraacaysa faallooyin uu bixiyey diblomaasi EU-da ka tirsan oo aan magaciisa la xusin.

“In kasta oo ay hadalkeedii ugu dambeeyey ku sheegtay in dhaqse loo bilaabo wada hadalka xubinnimada, misna Faransiisku dhab ahaantii ma rabaan in Ukraine lagusoo daro EU-da, Jarmankuna wuxuu ciyaarayaa ciyaar caqli-caqli ah.” ayay warbixintu raacisay.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa arrintan go’aan kaga gaari doona shir madaxeedka Brussels ee qabsoomaya 14-ka iyo 15-ka Diseembar, gaar ahaan in Ukraine loo ogolaado in loo bilaabo wadahadallada xubinnimo rasmi ah oo laftoodu sanado jiitama xitaa haddii sidaa la isku raaco.

Hadalsame Media