MW Deni oo haatan lagu eedaynayo arrimo uu isagu ku eedayn jirey Farmaajo

0

(Garoowe) 20 Nof 2023 – Magaalada Garoowe waxaa ilaa shalay ka taagan xiisad u dhaxaysa Dowladda iyo Mucaaradka oo baryihii ugu danbeeyey ku kala aragti duwanaa hanaanka ay u dhacayso doorashada Puntland sanadka 2024-ta

Maamulka ayaa doonaya in doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada oo ka kooban 66 mudane ay ku dhacdo mid dadku codkooda ku soo doortaan wakiiladooda, sida uu marar badan sheegay Madaxweynaha Puntland Sicid Cabdilaahi Deni.

Laakiin Afhayeenka Dallada Mucaaradka Cabdirixmaan Dhoore oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladu haysan waqti ku filan oo ay ku qabato doorasho qof iyo cod ah.

Khilaafkan ayaa gaaray heer mucaaradku soo saareen jadwal doorasho oo ay xuseen inay doorasho u gaara qabsanayaan,dowladuna ku sheegtay mid qaynuunka baal marsan.

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Garoowe ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo mucaaradka balse mar kale ayuu ku celiyey in doorashadu noqonayso mid hanaanka xisbiyada lagu galayo.

Dowlada federalka ayaa dhinacyda ugu baaqday inay xalka furan ee loo baahan yahay uu kaliya yahay wadahadal iyo is qancin.

Beesha caalamka ee diblomaasiyiinteedu fadhigoodu yahay xarunta xalane ayaa kulamo la qaatay madaxda dowladda iyo daladda ay ku midaysan yihiin mucaaradka. Waxayna ka dalbadeen in kala aragti duwanaansha doorashada lagu xaliyo wada hadal.

Muxuu deni ku diidanaa Farmaajo?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Dani ayaa sanad iyo bar ka hor ka mid ahaa madaxdii dawlad goboleedyada ee sida adag ugu horjeestay hanaankii ay wax ku waday dowladii Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Deni ayaa xilligaas marar kala duwan ku dhaliilay Farmaajo “inuu doonayo inuu nidaam doorasho oo aan suragal ahayn dalka galiyo”. Waxaa xusid dmudan in Deni xilligaas ahaa musharraxmadaxweyne.

Khudbad dheer oo uu jeediyay ayaa uga hadlay wadahadalo gaara oo dhexmaray isaga iyo Madaxwene Farmaajo.

‘’Waxaan ku iri doorasho qof iyo cod ah lagama gaaro, doorasho dadbana waa la yaqaanaa wadadeeda.” ayuu yiri Madaxweyne Deni khudbad uu ka jeediyey xarunta PDRC.

Dhanka kale Siciid Deni ayaa ku dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu doonayo inuu waqti kordhin samaysto, inkasta oo dawladdii madaxweyne Farmaajo marar kala duwan xustay inaysan doonayn muddo kororsi.

MUCAARADKA PUNTLAND
Daladda Mucaaradka Puntland

Maxay mucaaradka Puntland hadda ku eedeynayaan Madaxweyne Deni?

Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo ku midaysan dallad ay ugu magacdareen mucaaradka, ayaa ku eedeeynaya Madaxweyne Siciid Deni qodobo lamid ah kuwii uu ku eedeyn jiray madaxweyen farmaajo sanado Ka hor.

Inkasta oo aynaan xaqiijin karin annagu, waxay ku eedeeyeen; Muddo kororsi iyo in uu doonayo inuu qabto doorasho aan suuragal ahayn xilligaan.

“Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu tosho shaati isaga leh oo doorasho”, ayuu yiri Xasan Shire Abgaal oo ka mida mucaaradka.

‘’Isimaddu waa inay soo dhex galaan xiisada ka taagan Puntland,Siciid Deni doorasho ma doonayo ee muddo kororsi sharci daraa ayuu wadaa mana ka yeelayno” ayuu intaas raaciyey Xasan Shire.

Ahmed Ciise Cawad oo ka mida Daladda mucaaradka Puntland ayaa ku eedeyey Madaxweynaha in doorashada la qabanayo ay ka dhalan doonto shuruucda oo la baal maro.

‘’ Waxaan u socono waa inay dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo si nabada ku dhacda taas ayaa dan u ah Puntland” ayuu yiri Cawad.

War saxaafadeedyo dhowra oo ay soo saareen dallada mucaaradka ayaa ku dhaliilyey xukumada inaysa u socon doorashadu inay ku dhacdo waqtigeedii oo ah 8-da janaayo 2024-ta sida ka mid ahayd qoraalka warsaxaafadeedka ay mucaaradku soo saareen todobaadkii hore.

BBC

Hadalsame Media