ISKU MAQAN LAGU MAQAN YAHAY: Dadka Soomaaliyeed & DF oo aan u qaab ekayn kuwo qorshe uga yaallo diihaalka abaareed, daadadka iyo dagaallada niicda ah

0

(Hadalsame) 19 Nof 2023 – Waxaa dalka Somalia sanadihii dambe lasoo gudboonaadey musiibooyin iskugu jira kuwa dabiici ah iyo kuwa dad-samee ah oo isu rogrogaya diihaal abaareed, daadad iyo dagaal.

Dhibka ugu waynina waa in aanu jirin qorshe qaran iyo faham ummadeed oo ku fooggan wax ka qabashada arrintan oo u muuqata mid mar kasta iskeed iskaga dhammaata oo aan waxba laga qaban, tiiyoo ay dadku qaayibeen inay uun kaliya u adkaystaan oo xamilaan halkii ay wax ka qaban lahaayeen.

Waa dabcan sida ugu liidata oo ay u dhaqmi karto ama u fikiri karto ummad meel deggani. Tusaale, marka aad timaado dalalka dhaca qalbaca woqooyi ama cirif-barafeedyada woqooyi iyo kuwa koofureed ee qabow, waxay hooygooda u sameeyeen kululeeye koronto, gaas ama biyo kulul ku shaqeeya si ay barafka ula noolaadaan. Annagu malaha waa u adkaysan lahayn uun.

Tan kale, markii dhib jirey aan ka baxno waxaan ballansannaa mid kale, tusaale, abaaro is xigey kaddib waxaa beri dhowayd la helay roob lagu doogsadey. Deeto, dalkii oo dhan waxaa is qabsaday dagaallo niic ah oo bilaa micne ah oo kaba sii liita kuwii hore loogu daaley.

Dayaca iyo dandarrada dadkeenna muddaba la noolyihiin waa xanuun aan loo adkeysan karin, waxaase xanuunkaasi sii jibbaaraya in aysan yiddidiilo muuqan.

Fikirka, garashada iyo hab dhaqanka shacabkeenna marka aad eegto waxa aad is leedahay musiibada ummaddaan heystaa waxba lagama qaban karo.

Ciddii masuulka u noqotay sida ay u dhaqmeyso kolkaad aragtana waxa sy u enaaneysaa in aanba maalinba tallaabo loo qaadin in wax la qabto.

Isuma maqna, loomana maqna waana isku maqantay.

W; Q: Dalmar Faafaale & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media