Ibrahimovic oo markii ugu horreeysey jawaab ka bixiyey warka sheegaya inuu Milan kusoo noqonayo (Daawo)

0

(Las Vegas, NV) 19 Nof 2023 – Weeraryahankii hore ee Zlatan Ibrahimovic ayaa jawaab ka bixiyey wararka sheegaya inuu kusoo guryo noqonayo kooxdiisii hore ee AC Milan oo uu ka fariistay dhammaadkii fasalkii dhammaaday.

Ibra ayaanse bixin tafaasiil badan markii la waydiiyay goorta Milan ay ku dhawaaqi doonto kusoo laabashadiisa kooxda.

Ibra oo ka mid ahaa martida F1 GP ee ka dhacday Las Vegas Sabtigan ayaa wuxuu si kooban ula hadlay warqaadka ciyaaraha ee Sky Sport Italia kahor inta uusan tartanku bilaaban.

“Falxad ayaa shalay u noqday, waxaana rajaynayaa inaan maanta nasiib wacan u keeno. Waan ku faraxsan ahay inaan halkaan joogo, qof walba waa ogyahay inaan ahay taageere wayn oo kooxda Ferrari ah,” ayuu yiri weeraryahankii hore ee AC Milan.

“Suuqgayntu gebi ahaanba way ka duwan tahay USA meelaha kale, waxay sameeyaan bandhigyo cajiib ah, dhammaantoodna si wanaagsan ayaa loo buunbuuniyaa. Vegas waa Vegas. Waa GP-gii ugu horreeyay ee F1 halkan, waa wax cajiib ah waxaana rajaynayaa inuu noqon doono tartan xiiso leh,” ayuu rajeeyey.

Yeelkeede, weriyaha Sky Sport ee Mara Sangiorgio ayaa Ibra waydiisey goorta ay Milan ku dhawaaqi doonto inuu dib ugu soo laabanayo kooxda, maadaama weeraryahankii hore uu wadahadallo kula jirey maamulka Milan qaarkood sida Giorgio Furlani iyo Gerry Cardinale dhowr bilood.

“Waan arki doonaa, waanu wada hadlaynaa weli.” ayuu Ibra yiri Ibra isagoo dhoolla caddaynaya.

Hadalsame Media